Eng. Axmed Xandule Oo Ka Tacsiyeey Dilka Madeer

0

Ohio (AGGM) Eng. Axmed Maxamuud Xanduleoo ahaa Maareeyihii guud Wakaalada Horumarinta Biyaha Soomaaliya dawladii bari samaadkii Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre ayaa ka tacsiyeeyay geerida AUN  Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer oo ay kooxo hubeysan ku toogteen Muqdisho.

Eng. Axmed Xandule ayaa umadda Soomaaliyed wuxuu uga tacsiyeeyay gaar ahaan qaraabadii, xukuumada iyo baarlamaanka Soomaaliya oo uu ka baxay.

AUN Xildhibaan Madeer waxaa salaadii Jimcaha kadib isagoo ka soo baxay Masjidka Marwaas ee Degmada Xamar weyne toogtay koox hubeysan. Dilkiisa wuxuu noqonayaa kii 5 aad oo sanadkan Muqdisho loogu gaysto xildhibaan.

Xilligii Dawladii dhexe ee Soomaaliya Sheekh Aadan Madeer waxaa uu ka soo shaqeeyay Bangiyada dalka Soomaaliya. Isagoo aqoon u lahaa ganacsiga iyo bangiyada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com