EU Oo Lacag Hor Leh Siinaysa Soomaaliya

0

Brussels (AGGM) Madaxa xiriirka Caalamiga iyo falcelinta dhibatooyinka banii’aadanimo ee EU oo ka hadlaysay Brussels  ayaa sheegay in ay kordhinayaa deeqaha ay siinayaan Soomaaliya.

Lacagtan oo dhan 10 Milyan oo Euro aya waxaa lagu wadaa in wax looga qabto dadka ay abaaraha saameeyeen, caafimaadka iyo nafaqeynta dhalaanka yar yar.

Dad ku dhaw 2 milyan iyo badh ayaa guud ahaan u baahan gargaar bina’aadanimo Soomaaliya oo dhan.Qaramada Midoobay ayaa horey uga digtay xaaladaha banii’aadanimo ee ka soo fool leh Soomaaliya kaddibmarkii ay roobabkii yaraadeen taasoo keentay in dalagii sanadkan ay ku xisaabtameyeen Soomaalidu uusan soo go’in.

EU ayaa sanadkan Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan 49 milyan oo Euro. Inkastoo ay jiraan deeqahaas faraha badan haddana wax isbadel ama ka soo rayn ah kama muuqato xaalada dadka dhibaataysan ee u sida dhabta ah ugu baahan gargaar.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com