Hay’adda Think Security Afrika” Kenya Go’aan Haka Qaadato Ammaanka Gudaha Iyo Ciidamadeeda Soomaaliya Jooga ”

0

Nairobi(AGGM) Sida lagu sheegay warbixin cusub oo laga diyaariyey xaalada ammaanka Kenya ayaa waxaa lagu xusay in haddii Ciidamada Kenya laga soo saaro gudaha Somalia ay kooxda Alshabaab sii wadayaan weeraradda ka dhanka ah Kenya.

Hay’adda Think Security Africa (TSA) oo ah Koox madax bannaan oo ku takhasustay Ammaanka Qaaradda Afrika ayaa soo saartay Warbixintaasi, waxayna xustay in loo baahan yahay in Dowladda Kenya looga baahan yahay inay go’aan ka qaadato Xaalladda haatan ee Ammaanka Gudaha iyo qaabka ay Ciidamadooda kaga qeyb geli karaan Deganaanshaha Soomaaliya ee xilliga dheer.

Warbixinta waxay kaloo kula taliyeen in dowladda Kenya inay Beesha Caalamka kala qeyb galaan sidii Somalia deganaansho loogu soo dabaali lahaa.

“Ka bixitaanka Ciidamada Kenya Somalia ee xilligan, waxay horseedi kartaa inay Hay’addaha Ammaanka muhiimadda saaraan danaha Kenya ee gudaha iyo Gobalka.

Dhinaca kale, Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay ammaan darada haatan ka jirta Kenya iyo weeraradda iyo dagaalladda laga hurinayo gudaha Kenya muujinayaan cabsida xooggan ee ku soo fool leh magaallooyinka Nairobi, Mombasa, Lamu, Garissa, Wajeer, Mandere iyo Turkaana.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com