Iska Horimaad Kooban Oo Ka Dhacay Garbahaareey

0

Garbahaareey (AGGM) Iska horimaad kooban ayaa waxa uu saaka magaalada Garbahaareey ku dhexmaray ciidamo ka tirsan Ahlusuna iyo kuwa dawlada Soomaaliya ee halkaas wada degan. Hal ruux ayaa ku dhintay 3 kalena waxaa soo gaaray dhaawac.

Dadka dhintay ayaa waxaa kamid ah dad shacab ah. Oday nabadoon ahaa oo ku baxay sidii labadan ciidan loo kala dhexgali lahaa ayaa la soo sheegayaa in goobtaas lagu dilay.

Iska horimaadkaas ayaa ka dhashay kaddibmarkii ciidamo taabacsan Ahlusunna ayaa ka caroodeen rasaas ay laga soo furay gaari dagaal oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan dawlada halkaas oo ay iyaguna jawaab ugu celiyeen.

Odayaasha iyo maamulka Garbahaareey ayaa la sheegay inay arrintaas xakameeyeen oo ay ku kala dhex jiraan dhinacyada iska horyimid.

Xiisadan ayaa ku soo aadaysa xili uu magaalada Garbahaareey shalay booqday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafti wasiiro iyo xildhibaano ah oo wehlinayay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com