Jawaari Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Madeer

0

Oslo (AGGM) Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo socdaal ku jooga Norway ayaa ka tacsiyeeyay  geerida AUN  Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer  oo maanta Muqdisho ay ku toogteen kooxo hubeysan.

Madeer Allaha u naxariistee wuxuu ahaa gudoomiyaha guddiga maalliyadda ee baarlamaanka. Wuxuu marxuumka illahay uga baryay inuu janada ka waraabiyo. Samir iyo iimaan ka siiyo eheladiisa.

“INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, ayuu yiri Jawaari oo tacsi u diray qoyskii iyo iyo guud ahaan umada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa ka dalbaday in hay’adaha amniga ay soo qabtaan cidii ka dambaysay dilkaas islar ahaantaasna la horkeeno cadaalada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com