Jawiga Kismaayo oo maanta aad u bedalan, shacabka oo dhegaha wada taagaya!

0

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose jawi ahaan waa mid aad u bedalan, waxaana magaalada oo dhan laga dareemayaa is bedal cusub.

Waxaa magaalada laga ilaalinaayaa in wax buuq ay ka dhacaan inta ay magaalada si nabad ah ku imaanayaa ciidamada uu hogaaminaayo Barre Aadan Shire Hiiraale.

Shacabka ku dhaqan Kismaayo ayaa u dheg taagaya imaanshiyaha Barre, waxaana dad badi ay yihiin kuwo ku faraxsan in hadda la helo dadkii Kismaayo wada joogay oo nabad ah.

Saadaha soo aadan ayaa la filaayaa in Kismaayo uu soo gaaro Barre Hiiraale oo hogaaminaaya ciidamo boqolaal ah kuwaa oo muddo ka badan Sanad joogay deegaanka Goobweyn.

La soco wixii soo kordha.