Kooxda Al Shabaab Oo Muwaadin Kenyaan Ah Soomaaliya Ku Gowracay.

0

Muqdisho, AGGM:Al Shabab ayaa Gowracay darawal Kenyan ah oo ay kasoo afduubteen deegaanka Kiunga oo ku dhirirsan xuduudka Somalia iyo Kenya.

Meydka George Mwita ayaa lahelay xili ay ciidamada xooga Kenya iyo kuwa Boolisku kuguda jireen howlgal darawalkaasi lagu soo badbaadinaye ,keyn kutaala dalka Somalia oo ay Al-shabab ninkani ku qarinayeen.

Gudoomiyaha jaziirada Lamu Njenga Miiri ayaa xaqiijiyay inuu dhacay howlgalkaasi balse uusan kudhamaanin qaabkii loo baahnaa ,madama uu socday roob culus xiliga howlgalka.

“Waa nasiib daro inaan badbaadin weyno ruux Kenyan ah ,balse iyaga waan ugaarsan doonaa ”Miiri ayaa sidaa yiri.

Booliska Kenya ayaa xaqiijiyay in Al-Shabab ay soo daayeen darawalka Ladilay asxaab lasocotay oo muslimiin ahayd iyagoo wax yeelo aan gaarsiinin.

Sida laga soo xiganayo Saraaiil katirsan Sirdoonka Kenya dhowr katirsan dagaalyahanada Al-shabab ayaa lagu dilay xiligii uu soconaye howlgalka badbaadinta .

Dowlada Kenya ayaa kudhawaaqday in ciidamadeyda ay amartay iney galaan Somalia sanadkii 2011 kadib markii ay sheegtay in ay Al-Shabab wali siiwadaan afduubka ay kageysanayaan gudaha Kenya taasina ay kahor tageeso dowlada kenya.

 
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com