Kooxo Hubeysan Oo Turjubaan La Shaqaynayay AMISOM Toogtay

0

Muqdisho (AGGM) Marxuumkan oo lagu magacaabi jiray Cabdinaasir ayaa waxaa kooxo bastoolado ku hubeysnaa xaafadda suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho.

Shaqsigaas Soomaaliga ah ayaa wuxuu  turjubaan u ahaa Ciidamada AMISOM ee Magaalada Muqdisho. Sida ay sheegeen dadkii yiqiinay. Dilka waxaa gaystay seddex ruux. Meydka Ruuxaasi ayaa waxaa goobta ka qaaday ciidamada dawlada.

Shaqaalaha dawlada iyo dadka u shaqeeya AMISOM ayaa la kulma dilal qorsheysan, waxaana looga bartay dilalka noocaan oo kale ah xarakada Al-Shabaab. Ururka Alshabaab ayaa badanaa waxaa sheegata dilalka noocaasi ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com