La Yaab: Jaamacad Ku Taalla Kenya Oo Meydad Ugu Deeqday Jamaacada SIU Ee Muqdisho

0

Muqdisho(AGGM) Iyadoo aad ogtihiin in meyd uusan ku yareyn Muqdisho ayaa waxaaJaamacadda Somali International University (SIU) ee ka mid ah jaamacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho waxa ay  soo bandhigtay meydad ay keentay dalkaKenya.

Meydadkaas ayaa waxaa ardayda lagu barayaa siyaabaha loo sameeyo qaliimada gaar ahaan gaar ahaan waxaa laga keenay  Kuliyadda Caafimaadka ee Jamacadda Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Meydadkan ayaa dhan ilaa 5 Mayd, waxaana ay jaamacadaas ay ugu deeqday jaamacada SIU ee magaalada Muqdisho si ay wax ugu bartaan.

Qaliimada noocaan ah ayaa waxa ay ardayda ka caawinaysaa inay bartaan habka loo yaqaano Anatomy iyadoo horey u samayn jiray qalniino macmal ah oo aan heerkaan gaarsiisanayn.

Hormuudka Jaamacadda SIU Prof. Yaxye Cali Ibraahin ayaa sheegay in arrintan cusub ee lagu soo kordhiyey jaamaca ay ka dhalatay heshiis horaantii sanadkan ay la galeen Jaamacadda Kenyatta University

Arrintaan ayaa imaanaysa xilli meyd uusan ku yareyn Muqdisho balse dadka Soomaaliyeed oo ah umad Muslimiin ah ayaan ogoleyn in lagu tababarto meydka marxuum ama marxuumad mootantay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com