Ma Garbaa In Cabdiwali Gaas Xiriirka U Jaro Federaalka( Akhri Liiska Safiirada Iyo Wasiirada Beeshiisa Ee Federaalka Dhuuqaya)

0

Caabudwaaq(AGGM) C/weli Maxamed Cali gaas oo ah aqoonyahan in badan laga filayay inuu si wanaagsan ula jaanqaado nidaamka nabad ku soo celinta Soomaaliya islamarahaantaasna gacan ka gaysto xoojinta dastuurka Soomaaliya oo qoraya in habka federaalka laga hirgeliyo Soomaaliya ayaa la timid dhaqan u eg kii Dr Cabdiraxmaan Faroole ee ahaa mid riman qeylo  iyo durbaan colaadeed.

Soomaalidu waxay tirahdaa “ hasha geela cunta ee cabaada” Dr Gaas waxaa tillaabada uu qaaday ee uu xiriirka ugu jarayo federaalka loo arkay mid uu  boorka iskugu qarinayo maadaama uu la jaanqaadi la’yahay siyaasada iyo habka qabiiliga ku salaysan ee ka jira Puntland maadaama uu ahaa aqoonyahan.

Maxaa ka qaldan qaabka awood qeybsi ga, Puntland xaqeeda maka heshaa dawlada Federaalka ah ee fadhigeedu yahay Muqdisho?

Bal Nala Eeg

Wabka wax qeybsiga waa  4.5. Si buuxda ayaa waxaa Puntland marka ugu horeysa u matala RW Cabdiwali Sh Axmed marka labaad waxaa jira xubno aan la soo koobi Karin oo kamid ah dawlada dhexe oo deegaan ahaan ka soo jeeda Puntland gaar ahaan Majeerteen.

Qaar kamid waa kuwaan

  1. Siciid Yuusuf Nuur (Majeerteen, wuxuu ahaa safiir hore oo fadhiyay Adis ababa xiligii Shariifka haddana waa safiirka Soomaaliya u fadhiya Tanzania)
  2. Geneva Yuusuf Bari Bari (Majeerten waa safiirka Soomaaliya ugu muhiim ee fadhiya Mareykanka)
  3. Abshir Xasan Abshir (Majeerten waa safiirka Soomaaliya u fadhiya Burundi oo Soomaaliya muhiim u ah maadaama ay ciidamo ka joogaan dalka)
  4. Abyan Maxamed Saalax(Majeerteen waa safiirka Soomaaliya ee dalka Hindiya u fadhisa)
  5. Abdirashiid Seed (Majeerteen waa safiirka wareega ee ee Soomaaliya)
  6. Ambassador Abdulkadir Shekhey Mohamed Alhatimi(Majeerteen waa safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta) .

Xilligii Allaha u naxariistee  C/llaahi Yuusuf waxaa safiiro ka ahaa dalalkan dad la hayb ah Cabdiwali Gaas balse ma hubno in hadda la badelay iyo in kale

 

Saamiga Beesha Cabdiwali ee dhinaca wasiirada Federaalka

1- Wasiirka Qorsheynta Saciid Cabdullaahi Maxamed DENI: Waa aqoonyahan kasoo jeeda gobolka Bari wuxuuna ka tirsan yahay xildhibaanada dowlada Federaalka Somalia. Mudane Siciid Cabdullaahi maqalka magaciisa saxaafada Somaalida sanadihii u dambeeyey kuma yareyn, mar walba oo raisulwasaare la bedelo qofka ugu horeeya oo dadku isla dhexmari jireen waa magaca Saciid Cabdullaahi Deni. Wasiirka cusub waa siyaasi iyo ganacsade 5-tii sano ee u dambeeysay kulaalayey inuu qabto xilal cul-culus oo siyaasadeed.

2-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Saciid Jaamac Maxamed Qoorsheelwuxuu kasoo jeedaa gobolka Sanaag, wuxuuna muddo ka tirsanaa oo uu wasiir ka ahaa xukuumadii madaxweyne Cadde Muuse Xirsi.

3-Cabdiraxmaan Maxamed Saalax Bangax waxaa loo magacaabay wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka wuxuu kasoo jeedaa gobolka Bari, wuxuuna ka tirsanaa oo uu wasiir kasoo ahaa xukuumadii Madaxweyne Cadde Muuse Xirsi.

4-Maxamed Axmed Kulan oo muddo dheer ahaa xildhibaan ka tirsan dowlada federaalka Somalia, aasaaskii maamulka Puntlandina wuxuu kasoo qabtay gudoomiyaha kuxigeenka golaha wakiilada Puntland, waxaana loo magacaabay wasiir kuxigeenka hidaha iyo tacliinta sare. wuxuuna Mr. Kulan isaguna kasoo jeedaa Gobolka Bari.

5-Wasiirka Macdanta Mudane Daa’uud Maxamed Cumar kuma cusba jagada wasiirnimada wuxuu wasiirkii iskaashiga iyo caalamiga kasoo noqday xukuumadii madaxweyne Faroole, wuxuuna kasoo jeedaa gobolka Sool.

6-Cabdullaahi Bile Nuur Wasiir kuxigeenka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka wuxuu muddo dheer ka tirsanaa xildhibaanada dowlada federaalka Somalia wuxuu mudanahan isaguna kasoo jeedaa gobolka Bari.

7.Wasiirka Caafimaadka Mudane General Axmed Maxamed Maxamuud wuxuu kasoo jeedaa gobolka Mudug/Puntland.

8. Wasiirka Waxbarashada Mudane Axmed Maxamed Guraase waa nin aqoon yahan ah muddo dheerna ku noolaa dalka dibadiisa, isaguna waxuu kasoo jeedaa gobolka Mudug/Puntland.

Dr. Gaani

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com