Madaxweyne Xasan Oo Ka Tacsiyeey Geerida Xildhibaan Madeer

0

Muqdisho(AGGM) Madaxeweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qaraabada , qaraabada, baarlamaanka Soomaaliya iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed.

Geerida xildhibaankan ayaa noqonaysa xildhibaankii 5aad ee muddo 4 bilood ah lagu dilo Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa si weyn u cambaareyey dilka Sheekh Aaden Maxamed Madeer , isagoo illahay uga baryay inuu naxariista jano ka waraabiyo. Wuxuu sheegay in cadaaladda mar uu la horkeeni doono dadkii ka dambeeyay dilka Xildhibaanka.

Madaxweynaha ayaa yiri “Allaah ha u naxariisee samirr iyo iimaan Alaah ha siiyo ehaladda iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed”

Madaxweyne Xasan ayaa si Sheekh Aadan Madeer ku amaanay inuu ahaa nin dawladnimada jecel oo howl kar ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com