Maqaal:-Gumaysigii Dahsonaa Ee Qaarada Africa.W/Q:-Siciid Mahad Maxamed

0

Tan iyo marki Wadamada Qarada Afriga ay iska qadeen Gumaysigi wadamada Reer Galbeeb oo ku hayay Fara kulul isla markaana u gaysanayay falal aan loo dulqaadan karin, ayaa waxaad modaa in wali aan ku jirno Gumaysigaas.

Wadan walba o ka tirsan Qaarada Africa oo lagu hayay Gumaysi uuna gumaysanaayay mid kamida gumaystayaashii aduunka Gumaysan jira Sida Franceska,Engliska,Talyaaniga iyo waliba wadamadii kale oo donayay inay gumatstaan wadamada qaarada dhamantoon waxa loo diiday inay ku sii ladaan qaarada Africa.

kadib markaan iska qaadnay Heryadii Gumaystaha ayaa wadamadii xiligaarabay inay namaamushan waxay nooga tageen saameen iyo raad aan waligeed naga hareen.

Dhamaan wadamada Africa ee isku dhaw dhaw ayay waxay uu u sameyay xuduud iyo kala Qaybsanaan kala qaybisa wadamada Africa si ayna waligeeds Africa aysan u heshiin taasna waa ay dhacday,Khilaaf kasta oo soo kala dhexgala qaar kamida madaxda africa iyo siyaasada gudaha ee africa mar walba waxaa soo dhex gala wadmada shisheeya ama wadamada reer Galbeeddka kuwaas o doonaya inay dhex dhexaadiyaan madaxdaas.

Talaaba kasta o ay qadaan wadamada Shisheeya waxa ay faa,ido u tahay wadamadaas balse Qaarada Africa waxa u tahay Faa,ido daro balse ma ogsonada dadka ku nool Qaarada Africa.

Dhamaan wadamada ku yaala Qaarada Africa badankod waxaa ka socda Dagaalo sokoyeeya kuwaas o ay ka dambeyaan Dad danestayaal ah oo aan doonayn horumarka iyo Faa,idada Qaarada Africa.

Siyaasadena dibada iyo tan dalkaba waxaa faraha kula jira Wadama shisheeya waxayna ogyihiin sirta dalka, dadkeena iyo waliba tan xukumadaha Wadamada Qaarada Africa, taasna waxay tusaale u tahay Gumaytsiga Daahsoon oo ay Qaaradeena africa ay ku jirto.

Waa Dhab waana hubaal in hadii aan wadamada shisheeya aan siyaasadeena ka saarno oo ayna sirteena aysan ogayn inaan Horumar aan gaarayno aana yeelanayno sidii aan aduunka ka ahayn, sanadihii hore Adunkuna waa naga Dambaynaya waana naqadarin jiray.

Qaarada Africa waxay ahaan jirtay Qaarad Aduunka laga Baqo lagana Qadariro, sanadihii dambe waxaa ay noqotay Qaarad aan la qadarin oo aan la xushmayn, khayraadka ku jirana layska gurto aan cidna lawaydin walaw madaxda Wadamada ku yaala Qarada Africa haba ahaadan iyagoo ah kuwii xakamayn lahaa talabadaas..

Qof walba oo kamida Dadka ku nool Qarada Madaw waxay ugu yeereen Wadamada shisheeya, markuu joogo dalkiisa ama Qaaradiisa waxa uu leyahay Haybad iyo sharaf balse waxaa la rabaa in la so celiyo haybadii iyo Xushmadii Qaaradeena.

Qamuumyada Qaradaydaa Qalbigayga gubaysoo Qolo Qolo ku taaga iyo Qabiilka Dhexdaa Qeerkeen inaga rebay

Qaaradaha aduunkana Qaabkeenay ku qoslaan Qal qal intii dhexdeena ka aloosanyahay Qaradeenu way qalocsanaan waligeed

Qab qablaha Qorayga nala doonaya baan iska qabano Qal qalocana baan Qaarada kadayno Qeyrkeena aan ka Qabano Qalalaasaha uu qarada la doonaayo

Qoomkii naga horeeyay ee Qaarada u soo halgamay Qoolkoodu waa tu ahaa Qaarada waa inay kor u qaadnaa Qarnigan aan joogno Qaaradeenu halkay ku sugantahaya?

Hadaba hadaan nahay dadka ku nool Qarada Africa Sidee ayaan isaga qaadi karnaa Gumaysiga Daahson ee ina hareeyay Horumarkeenii iyo hanankeeni Qaarada Africa inaga hakiyay? Maxaase aan isaga qaadi la,nahay Gumaysigaas?.

Waa Meel aan is dhignay waxaana nahaysata Maah maahdi ahayd “” Lax walba shilalkay is dhigtaa lagu Qawracaa “”” anaguna anagaa halkaas is dhignay.

Sidoo kale waxaa nahaysata hadalkii ahaa “” Wanka madaxa ii qabo adna mindida ii mari ana Dhiigisa aan Fuuqsado “”Qarada Africa waa qaarad ilaahay uu ugu manaystay Qaard aad ubadan isla markaan aan dadkeedu uusan ka faa,idaysan taasna ay sababtay in Wadamada Shisheeya ama kuwa reer Galbedka ay ugu soo duuleen.

Hadaba Qarada Africa Cidna uma maqna ceelna uma Qodna hadan dad reer Africa aan wadamada Reer galbeedka aysan iska celin Gumaysigan daahsona aysan iska Qadin waligod saanay wadamada kale uga hoosaynayaa.

Halyay yadi somaray Africa oo u soo halgamay Dhigana u dadiyay Xornimada Qaarada haday xiligan nolaan lahaayeen waxay ka murugon lahaayeen Xaalada hada ay qaaradu ku sugan tahay waxay dhihi lahaayeen hadalah maxaan gumaystaha ula dagalamaynay haday qaaradu saan noqon tonto.

Aan raacno aana ku dhaqaaqno wadadii kuwii naga horeeyay aan iska dhicino Gumaystahan dadkeenii kala qaybiyay dhexdeenana dagaalka ka dhex abuuray wadamadeenana isku diray.

W/Q:-Siciid Mahad Maxamed

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com