Maqaal:Aaway Sharaftii Ciidanka Soomaaliyeed Hadiiba Sidaan Dhulkooda Loogu Bahdilayo.

0

Bahdil ka weyn miyaa jira adigoo dalkaga hooyo ku sugan sidaan ha lagu galo, Marna ma aha wax la aqbali karo in ciidanka sharafta leh ee Soomaaliyeed oo ah kuwa la doonayo in dadka Somaliyeed ku seexdan in sidaan qaldan loogu hor bahdilo shacabkooda hortooda…. tani waa sharaf dhac iyo karaamo darro halkii ugu hooseysay marnana ma aqbali karaan shacabka Soomaaliyeed taaas.

Ciidanka Soomaaliyeed waa kuwa u shacabkiisu ku seexdo ee ma aha kuwa shacabkiisa hortooda Askaari ajnabi ah oo wadanka ku yimid nabad ilaalin iyo xaqdhowrid shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed u awood ka baxsan tiisa u isticmaalo ilaa heer u ciidankeeni sharafta laha ku hor bahdilo shacabkooda hortiisa.

Ciidanka Soomaaliya waa nabad dhowrayaal iyo Astaan u taagan Soomaaliya oo nabad ah, ee ma aha kuwa iyagoo aan mushahar ku filan qaadan weliba sidaan loo bahdilo laguna ciyaaro sharaftii iyo karaamadii aay shacabka ka hor lahayeen… maanta askaariga Soomaaliga ee qoraxda u taagan difaaca iyo nabadgelyada dalkiisa ma istaahilo tani in lagu suubiyo marna.

Askariga Amisom waa mid dhereg iyo har qabow ku qaata lacag aad u tiro badan, inuu dhibaato iyo ceebeyn ku suubiyo askarigii hor taagna… Ogow ma jiro askaari Amisom ah oo banaan hor oo xafiis fadhiya ee waa qasab inu askaari Soomaaliyeed ka hormaro sii ammaanka u ilaaliyo Ciidanka Geesiyaalka ah ee Saburka iyo Adkeysiga badan ma aha kuwa maanta inaga mudan inaan u gacangelino cadowgan Amisom ee aad u jeedan ficiladiisa gurucan ee u suubin.

sawirka
Dowladda Soomaaliya, Iyo Taliska guud ee ciidanka qaranku waa inu masuuliyad iska saara ciidanka Soomaaliyeed ee baahida iyo gaajada ugu adeegin shacabkooda dhibaateysan.

Ciidankii Booliska Soomaaliyeed ee sharafta iyo karaamada bulshada ku laha ee lagu seexan jiray in maanta sidaan askari wadanka dibada uga yimid ku suubiyo ma aha wax u wanaagsan indhaha iyo dareenka waddaniga Soomaaliyeed
Nasiib darro waa inaan maanta aragno askaari Soomaaliyeed oo laga wardiyeyn isagii dalkiisa halkii u isagu wardiyeysan laha…. taasina waa sharaf dhac halkii ugu xuma ee aan la kulano.

Waxan rajeyn isbedel degdeg ah iyo raaligelin la siiyo ciidankeena sharafta leh.

Guul Iyo Nabad

Soomaaliya

W/Q Yusuf Ali Adan
Yusufcali@hotmail.co.uk

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com