Mareykanka Oo Sheegay In Ay Halis Ku Yihiin Kooxda Sheegatay Inay Yihiin Khilaafada Islaamiyiinta Ee Dalka Ciraaq.

0

Washington, AGGM:Wadanka Maraykanku ayaa sheegay in ururka Khilaafada islaamiga ah isku magacaabay uu yahay halista ugu wayn ee ku soo wajahan Maraykanka, ayna tahay in laga cirib tiro Suuriya iyo Ciraaq.

Xukuumadda Washington waxa ay sheegtay in weeraradii xaga cirka ee ay Maraykanku ay ku qadeen ururkaasi in ay keentay in la wiiqo awoodiisii, balse loo baahan yahay in qaybta dhiman ay dhamaystiraan wadamada dariska ah oo is xulafaysanaya.

Hadalka Ka sobaxay Dowlada Mareykanka ayaa Waxaa U Imanayaa Xili islaamiyiinta dagaalka kawado wadanka Ciraaq ay si adag mesha uga saareen ciidamada dowladda ciraaq iyo Mareykanka oo taageraayo.

 
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com