Maxaad Isleedahay R/wasaare Cabdiwali Sheekh Waa Uu Jeclaa Inuu Noqdo Yaraantiisi?

0

Muqdisho, AGGM: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa la ogaaday in uu yaraantiisa Jeclaa in uu noqdo Fanaan xiligii barasamaadkii oo loo tartami jiray Fanka.

“Waxaan si weyn u taageeri jiray Fanka, waana Jeclaa in aan noqdo Fanaan waayo waxa ugu weyn ee lagu tartamo xiligaasi ayaa ahaa fanka” ayaa laga soo xigtay Cabdiwali Sheekh Axmed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa taageero weyn u hayay Kooxda caanka ah ee Waabari, oo uu la dhici jiray yaraantiisa heesaha ay qaadaan gaar ahaan kuwa xaga Nabada iyo Jaceylkaba ku saabsan.

Isku soo wada duuboo R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa Hadalkaan waxa uu ka sheegay kulan uu la qaatay Wariyeyaasha oo si hoose uu ugu bandhigay waxa rasmi ahaan uu jeclaa in uu noqdo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com