Muqdisho oo warqado walaac abuuray lagu daadiyey (MAXAA KU QORNAA?)

0

Warqado loogu digayo Haweenka ku nool magaalada Muqdisho ee qaata dharka qafiifka ah iyo diracyada cowradooda laga arkayo ayaa lagu daadiyay degmooyinka Hodan iyo Wadajir, waxayna warqadahaasi ay keeneen cabsi soo wajahday dumarka qaarkood.

Warqadahan ayaa waxaa ku qornaa in dumarka ku nool Muqdisho ee qaata dharka qafiifka ah ee dhex socda magaalada in ay ku badalaan Jalbaabka iyo xijaabka, cowradoodana qariyaan, qofkii lagu arkana isagoo wata dhar qafiif ah in tallaabo laga qaadi doono.

Hay’adda Nabad Suggida ee Gobolka Banaadir, ayaa waxay wadaa dadaalo ay ku dooneyso inay ku soo qabato gaari nooca raaxada ah, oo sida la sheegay habeenimadii Arbacada waraaqahaasi ku daadiyay qeybo ka mid ah degmooyinka hodan iyo Wadajir.

Sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida oo diiday in magaciisa Warbaahinta loo adeegsado, ayaa sheegaaya inay xogta ku hayaan in gaari nooca raaxada ah, loo adeegsaday waraaqihii lagu daadiyay Degmooyinka Wadajir iyo Hodan, isla markaana ay wadaan baaritaano iyo dadaalo lagu soo qabanayo gaariga loo adeegsaday.

Xeebta Liido ayaa maalmaha Jimcaha waxaa isugu taga dhalinyaro isugu jirta rag iyo dumar, kuwaasi oo qaarkood cowradooda asturan.

Lama oga kooxaha ka danbeeyay digniinahan loo jeediyay dumarka Muqdisho ku nool, inkastoo Al-Shabaabka, horey Dowladda Somalia ugu eedeeyay inay fisqi ka wado Magaalada Muqdisho.