NUSOJ oo ka dalbaday Somaliland in la sii daayo wariyeyaal u xiran

0

Muqdisho, AGGM: Ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, ayaa ka codsaday maamulka Somaliland in xorriyaddooda loo soo celiyo afar wariye oo u xiran maamulka.

Booliska maamulka Somaliland ayaa Jimcihii tagey ku xiray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, afar wariye oo ka kala hawl-galayey telefishinnada Universal, Somalichannel iyo Somsat iyo qalabkooda.

War saxaafadeed uu maanta soo saaray ururka NUSOJ ayaa loogu baaqay maamulka Somalilnd in la xushmeeyo xuquuqda iyo xorriyadda suxufiga iyo saxaafadda madaxa bannaan.

Suxufiyiinta ayaa la xiray, kaddib markii ay ka qayb galeen, baahiyeenna doorashadii madxweyne nimo ee maamulka Khaatumo oo 14-kii bishan August madaxweynaha maamulka loogu doortay Prof. Cali Khaliif Gallayr, taas oo ka dhacday deegaanka Saaxdheer ee gobolka Sool.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com