SAWIRO: Puntland Oo Xuseysa Aas-aaskeedii

0

Garoowe (AGGM) Dhamaan Gobolada Puntland waxaa maanta ka qabsoontay xuska sanad guurada 16-ad ee aas aaska Puntland Magaalada Caasimada ee Garoowe ayaa si ka balaaran munaasbadihii hore looga dhigay maanta xuska 1-Agoosto oo ku beegnaa Maanta.

Munaasabada Xuska waxaa ka soo qayb Galay Dhamaan Madaxda Dowlada Puntland, xildhibaano, Maamulka Gobolka Nugaal iyo kan Degmada Garoowe, Ciidamada kala duwan oo watay qaarkood qalabkooda, Shaqaalaha Dowlada, Shacab weyne iskugu jiray Caruur, dhalinyaro, dumar iyo Rag, Arday ka socday Jaamacadaha, Dugsiyada Hoose/dhexe iyo Sare.

Ka qayb galayaasha munaasabada oo ka dhacday barxada Garoowe ayaa saf saf iyagoo uwada socda salaamayey Madaxweynaha Puntland iyo Madaxda kale ee Dowlada,

Gudoomiyaha Gudiga qaban qaabada Xuska sanad guurada 16-ad ee Puntland ahna Wasiirka Howlaha Guud C/rashiid Maxamed Xirsi ayaa kaga mahad celiyey shacabka iyo ka qayb qaadayaasha ka soo qayb galay munaasabada ku weyn umada reer Puntland ee 1-Agoosto.

Wasiirku waxa uu sheegay in mudo bil ku dhow ay wadeen qaban qaabada xuskan isagoo xusay munaasabado kale oo la mida midii maanta in ay ka dhaceen Magaalooyinka waaweyn horayna ay u balan qaadeen in xaflada ka dhigi doonaan Gobolkasta oo Puntland.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa dadweynaha reer Puntland ugu hambalyeey sanad Guurada 16-aad ee ka soo wareegatay markii dadka Puntland ay isku tashteen una istaageen sidii maamul u dhisan lahaayeen miraheediina ay guranayaan Maanta.

Caawa ayaa Xafladii khudbadaha lagu qabanayaa hoolka Baarlamaanka Puntland oo si aad ah loogu qaban qaabiyey in lagu dhigo xuska sanadguurada 1-Agoosto, waxaana khudbado kala duwan caawa ka jeedin doona Madaxda dowlada, Ururada Bulshada, Abwaano iyo fanaaniin ku soo bandhigi doona riwaayado iyo heeso ka turjumaya Munaasbada 1-aAgoosto.

p1 p2 p3 p4 p5 p6 p7 p8 p9 p10 p11 p12 p13 p14

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com