Qabanqaabada Aaska AUN Xildhibaan Madeer Ee Muqdisho

0

Caabudwaaq(AGGM) Saaka waxaa magaalada Muqdisho ka socda qabanqaabada aas qaran oo magaaladaas loogu sameeyo AUN Xildhibaan Shiikh Aadan Madeer oo ahaa Gudoomiyihii Gudiga Maaliyadda ee Baarlamaanka oo ay shalay  Al-shabaab ku dishay Muqdisho.

Qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho ayaa saaka la xiray sababo la xiriira si aaska xildhibaanka loogu soo dhameeyo si nabadgelyo ah.  Waxaana la xiray isusocodka daadiidka iyo dadka isticmaali lahaa oo wadooyin qaar ee Muqdisho.Waxaana kamid ah Jidka Soobbe iyo qeybo kale oo dadku ay aad u Adeegsan jireen.

Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in waddooyinka loo xiray sababo la xiriira si aysan u dhicin falal amaanka lid ku ah.

Aaska AUN Xildhibaan Madeer ayaa waxaa ka qeybgalaya madaxda dalka ugu sareysa sida Raisul wasaaraha iyo Madaxweynaha.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com