War Deg Deg Ah: Qarax xoog badan oo hadda ka dhacay Jaamacadda Kismaayo.

0

Kismaayo, AGGM: Wararka ka imaanaaya magaalada Kismaayo gaar ahaan Jamaacadda magaaladaasi ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax Miino oo aad u xoog badan.

Qaraxaan ayaa waxa uu yahay waxaa kasoo baxaaya warar kala duwan, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in qaraxa uu yahay miino meesha lagu aasay.

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in qaraxa yahay Miino ay ciidamada kasoo faageen gudaha magaalada Kismaayo, laakiinse ilaa hadda lama oga warka xaqiiqda ah, dhanka kalena qasaaraha halkaasi ka dhashay weli lama cadeyn.

Isku soo wada duuboo maalmahan dambe ayaa waxaa magaalada Kismaayo kusoo badanaya qaraxyada noocan oo kale ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com