Qormo Xiiso Leh: Ma Federaalkii Baa isku badalay fad ama ha fadin waa lagu fadsiiin?

0

Dhamaadkii bishii Julay ee ina dhaaftay waxaa Magalaada Muqdisho gaar ahaan Villa Somalia ka dhacay Shir loogu magic daray Maamul u sameeynta Gobolada Dhexe.

Shirkaan waxaa ka Qeyb galay Qeybaha kala duwan ee Beesha Ugu awooda badan Soomaaliya isla markaana 24kii sano ee lasoo dhaafay Somalia xukumeeysay hadeey Beeshaaan awooda badan waxeey qalinka ku duugeen ayaga iyo raaciyaashooda kala ah Madaxweynaha iyo Raysal wasaarahu Maamul loogu waqlalay Somali central State oo loo badalay Magacii Galmudug.

Maamulka Gobollada Dhexe waxuu ka koobanyahay Mudug iyo Galgaduud waxaa durba qeeylo dhaan kasoo saaray Beesha Gobolka Bari oo qeeyb mudug ka mid ah Maamulkeedu ku jiro waxeeyna sheegeen in aaysan aqoonsaneeyn maamulka looga dhawaaqay xamar ee aay ku dhawaaqday beesha ugu awooda badan Somalia walibana aay digniin caan ah raaciyeen oo ah Fad ama ha fadin waa lagu fadsiin oo macnaheedu yahay rab ama ha rabin waa lagu rabsiinayaa oo ma diidi kartid.

Horta maamulkaan hal faaido ayuu keenay oo ah Beesha Ugu awooda badan Somalia waa beesha caalamkee iyo beesha ugu qaska badan siyaasada soomaalia mar walbana waxii ayaga dantooda ka hor imaanaayo dheerac gadiyo in aay is arkaan hadeerna waa is hayaan ninkii roon reerka alla ha u reebo waxaana beesha ugu awooda badan Somalia beesha caalamka aay ku celceliyeen qofkii ka hor yimaado maamulka gobolada dhaxe nuucoow doono ha noqdee in talaabo adag laga qaadi doono.

Maamulka Gobolka Bari waxaa haaysato god sireed ha qodin hadaad qodana ha dheereeynin ku dhaci doontid ma ogide murti soomaaliyeedna waxeey tiraahdaa maandhoow isxaan lagama tago Eed hadaad galiye Maamulka gobolka bari qof walbo oo somaali ah waa ka dhharagsanyahay dhibka uu soomaalia ku haayey 16kii sano ee uu jiray sideedaba qofku markuu usoo jeesto inuu dad dhibo siyaabo kala duwan ayuu wax u naafeyn karaa Somalia oo kala jiidatay kala tagtayna iskaba daayee.

Maamulkaan Gobolada dhaxe Dadka mudug iyo galgaduud dego waa u faaido weyn hadii aay garasho leeyahiin waana horumarka bulshadooda sababo badan oo aan qodobeeyn doono dartood

Gobolkii Mudug hadeerna loo yaqaan Galmudug ama galgaduud iyo Mudug waxaa dagan qabiilo badan oo soomaali ah sida Habargadir oo Majority ka ah Leelakase ,Dir gaar ahaan Sure, Murusade Abgaal ,Mariixaan. Majeerteen iyo qolooyin kale oo soomaali ah sidaa daraaded waxaa leeysku raacsanyahay in beesha habargadir aay tahay beesha ugu badan goboladaan labada ah dacalkana ku haayo badweynta hindiya laguna sheego in macdin qaali ah dhax dhacadiido shidaal iyo saliidna ku dar bad iyo bariba Habargadir maadama aay tahay beesha ugu xooga weyn Goboladaas labada ah hadeerna aay u kala qeeybsantahay dhowr firqdo oo kala ah Garab dowlada ah ,Garab ximan iyo xeeb ah Garab alsuna waljameeca ah garab alshabaab ah labo garab oo Galmudug state isku haysato walibana isku jifo ah Sacad isla ah iyo garab aan midna raacsaneyn oo shacab qoladii u timaadaba aay maamuli karto .

Waxaa kale oo gobolkaan ka jira dowlado goboleedyo waagii nin walbo tuuladiisa maamul u sameeyey loo sameyey goboladaan sida Ceelbuur state ,Xarardheere state ,Somalicentral state oo Caabudwaaq ah Iyo maamulada beesha habargadir ee aan kor kusoo xusay intaas oo dowlad goboleedyo ah ayaa goboladaan ka jiray sidaa daraadeed faaidada ugu weyn waxaa weeye in labada gobol maamulkooda ugu sareeyo gacanta loo galin doono beesha habargadir Faaidada labaad ayaa ah in gobolada hadeer kala qoqoban aay isku furmi doonaan oo maamulku gaari doono gees walbo faaidada sadaxaad ayaa ah in beesha habargadir aay midoobi doonto Ciidan ahaan ,dhaqaalo ahaan ,siyaasad ahaan deegaan ahaan suuro galin kartana in awoodoodii wiiqantahay aay soo noqoto waa marka maskax fayoow lagu fikiro sababtoo ah Labo nin oo walaal ah hadii aay ayagu heshiin waayaan dadna lama heshiinayaan ayagana horumar magarayaan sidaa daraadeed habargadir waxaa faaido u ah in aay ka faaideeystaan maamul goboleedkaan beesha ugu awooda weyn Somalia ee beesha caalamku rabto in aay sandule ku socodsiiso.

Murti ayaa ah meel aan rabay roob ma iigu da,ay Beeshu waxeey 5ta bishaan u balansantahay shirweyne Nabadeed is cafin wax wada qabsi ee beesha habargadir shirkaas oo ka dhaci doono degmada cadaado ee maamulka Ximan iyo xeeb sidaa daraadeed ujeedka shirkaan waxaan filayaa in beeshu isku wada raacday in la tago ujeedka loo tagaayana uu yahay in leeysku cafiyo maamul buuxana loogu sameeyo Gobolada Mudug iyo galgaduud ee beeshu degto kadibna aqoonsi looga raadiyo beesha Somalia hogaamiso qeeybaheeda kala duwan sida Itoobiya ,Kenya ,Jabuuti ,Yurubta Midoowday Mareeykanka iyo ugu dambeeyn Ururka II Gad oo ah aabaha iyo hooyada Qaska Somalia sidaa daraadeed maadama intaas oo dhan maamulkii aay dhiseen hadeerna uu diyaar yahay waxaa haboon in isku tagooda maamulkooda geeystaan howshaaas waaba laga fududeeyey oo meelo aaysan rajo ka qabin sida waqooyiga gaalkacyo ayaa loogu daray maamulka waliba loo raaciyey reer bari fad ama ha fadin waa lagu fadsiinayaa ee inta aay is cafiyaan waxii kale oo arimo hoose ahna aay isku balansadaan.

Maamulkaas hogaankiisa ha qabtaano gacmo geel jire hoos ayaa loodhaqaa ayaa soomaalidu tiraahdaa intaas hadeey dhacdo waxaa hubaal ah in habar gadir ayaduna nasan doonto lagana nasan doono waayo 24 sano beeshu halgan harjad leh ayeey gashay walibana yoolkii aay rabtay ma tagin sidaa daradeed waxaa imaan doonto in aay dhulkoodana aaminaan ayaguna kala nabad galaan dadkuna ka nabad galo dhanka beesha waxaa looga digayaa in aaysan maamulka kaligeed isku koobin ee aay kaarto cusub la yimaadaan maadama Maamulka gobolka bari uu ku dhaganyahay sidii lagu yaqiina uu kala furfurid gali doono beelaha aan aheeyn beesha ee gobolka dagan muhiimada koobaad ha siiyaano hadii la rabo in horay loo socdo Ogaadana Waxaad tahiin Beeshii ugu horeysay ee hawiye ee Beesha awooda Somalia u ongolaatay xaqooda sidaa daradeed waxaad ogaataan in tooshash badan idinku fooraraan sida aad wax u maamushaan.

Hadaad cadaalad fashaan waxeey dhabaha u xaareeysaa in dhamaan beelaha kale ee hawiye ayaguna xaqooda helaan hadiise aad qaribaad la imaataan waxaa guuleeysan doono cadow badan oo isku xariiro oo arintaan feeyl ugu jiro ha noqoto jiritaanka hawiye ama ha noqoto jiritaanka soomaalida oo dhanba waxaana rumoobi doonto ereyadii wax magaradu meelaha ka dhahi jireen oo ahaa hawiye dowladnimo ma rabyo loomana talin karo asiguna ma tashan karo maamulkaas oo aad ku banaan baxdaan diidaan waxeey horseedi doontaa in dhamaan hawiye waayo wax maamul goboleed ah rajada laga qabo in hawiyaha kale jaanis la siiyana aad ayeey u yaraan doontaa ogaada maamulkaan ujeedooyin badan ayaa ka dambeeyo uguna weynyahiin tirtirida soomalia iyo majaxaabinta hawiye.

Lasoco qormada dambe ee ku sabsan saameeynta maamulkaan uu ku yeeshay Hiiraan, Shabellada dhaxe iyo gooxa dadweeynaha reeer hiiraan ee todobaadyadii lasoo dhaafay iyo kuwa lasugaayaba

Federaalkii waxuu isku badalay fad ama ha fadin waa lagu fadsiiin.

W/Q/ Cabdala Salaad Kugeey