Ra’iisul Wasaaraha Oo Tacsi Ka Diray Geerida Madeer

0

Muqdisho(AGGM) Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa tacsi u diray, qoyskii, qaraabadii, asxaabta, guddoonka iyo xubnaha Baarlamaanka, iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed  ayaa cambaareeyay dilka xildhibaan Madeer. Wuxuu sheegay in dilka xildhibaanka uusan cabsi gelin doonin xukuumada islamar ahaantaasna  ay ku dhiirgelinayaan inay sii wadaan howlaha ka dhanka ah waxa uu ugu yeeray cadowga ummada Soomaaliyeed oo uu kala jeeday  Alshabaab.

Raisul wasaaraha ayaa yiri” Waxaan Eebbe uga baryayaa  inuu samir iyo iimaan naga siiyo Xildhibaan Sheekh Aaden Maxamed Madeer, Isagana uu Jannadiisa Fardowso ka waraabiyo”

RW Cabdiwali ayaa waxa uu ugu baaqay laamaha amniga in ay sameeyaan dadaal kasta oo suurto gal ah si kooxdii dilay xildhibaan Madeer gacanta loogu soo dhigo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com