SAWIRO: Ra’isul wasaare Cabdiweli Oo Gaaray Addisababa Iyo Shirka Uu Ka Qeybgalayo Oo La Shaaciyey

0

Addisababa(AGGM) Ra’isul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa gaaray magaalo madaxda Itoobiya ee Addisababa, waxaana wehlinaya wafdi ka tirsan qaar kamid wasiiradaha xukuumada.

Ra’isul wasaare Cabdiweli ayaa waxaa la shaaciyey in uu halkaas uga qeybgali doono shir ballaaran oo looga hadlayo arrimaha qaxootiga geeska Afrika.

Shirka waxaa qeyb ka ah wadamo ay kamidyihiin Itoobiya, Kenya, Uganda, Yemen, Jabuuti iyo dalal kale iyo hay’ado caalami ah.

Xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in raisul wasaaruhu uu diirada saari doono in xukuumadiisa ay ka goantahay sidii wax looga qaban lahaa xaalada qaxootiga Soomaaliyeed.

Wuxuu ka codsan doonaa dalalka Afrikada Bari in ay Soomaaliya gacan ka siiyaan sidii ay dalka dib ugu soo celin lahayd nabadii iyo xasilooni ay bari lahayd.

rw1 rw2 rw3 rw4

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com