Safiirka Ingiriiska Ee Soomaaliya Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Magaalada Baydhabo.

0

Baydhabo, AGGM: Wafdi uu hoggaaminayo safiirka Britian u fadhiya Soomaaliya, Neil Wigan ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, wuxuuna la kulmay guddiga farsamada ee maamul u sameynta saddexda gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga farsamada, Maxamed Xasan Fiqi ayaa u sheegay Warbaahinta inay safiirka Britian kala hadleen sidii loo dardar-gelin lahaa maamul u sameynta saddexda gobol.

Fiqi ayaa sheegay in dowladda Britian ay taageereyso sameynta maamulka saddexda gobolka ka kooban.
Wuxuu sheegay in muddo 45 cishe ah ay ku soo dhisi doonaan maamulka cusub.

Danjire Neil Wigan ayaa ku baaqay in la dejiyo xiisadda ka taagan magaalada Baydhabo ee u dhaxeysa dhinacyada kala taageersan maamullada saddexda gobol iyo lixda gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com