Sawir: Guddoomiye Gobol Soomaaliya Kamid ah Oo Alshabaab U Qaatay Qori AK-47 “Dagaalka Yaan Loo Kala Harin”

0

Beledweyne(AGGM) C/fataax Xasan Afrax oo ah guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa qori AK47 tunka saarsaday, isagoo xirtay dereeska ciidamada.

Guddoomiyaha wuxuu fariin cad u dirayaa kooxda argagixisada ah ee Alshabaab taasoo maalmahan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay wadeen howlgalo ka dhan ah.

Guddoomiyaha ayaa qoriga u saarsaday sidii uu xayiraadda Alshabaab saartay Buulo Barde ugu qaadi lahaa.

C/fataax Xasan Afrax ayaa sheegay inaan loo kala hari doonin la dagaalanka Alshabaab.Guddoomiyahan ayaa ah guddoomiye wax tar u ah bulshadiisa oo cadowga ka dhicinaya halka guddoomiyeyaasha qaarkood ay u shaxaad tagaan Muqdisho ama maamul been abuur ah.

Halkaan Ka Daawo sawir 

Hiiraan

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com