Sawiro: Wasiiradii Dowlada iyo IGAD oo Goobweyn ugu tegay Col, Barre Hiiraale, kadib markii ay xalkeeni waayeen Madoobe iyo Fartaag.

0

Waxaa magaalada Goobweyn iminka gaaray wasiiradii ka socday Dowlada Soomaaliya iyo madaxda IGAD kuwaasi oo wadahadal dheer kadib daqiiqado ka hor gaaray magaalada Goobweyn si ay wadahadal nabadeed ula galaan Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Soomaaliya ahna Hoggaamiyaha golaha Nabada iyo Midnimada goboladda Juba Col, Barre Aden Shire “Hiiraale” kaasi oo loo arkay in aan la’aantiis nabadi ku seexan karin Kismaayo.

Wasiirada  iyo IGAD ayaa waxaa ay doonayaan sidii ay isugu soo dhaweyn lahaayeen maamulka Kismaayo aan soo dhaafin ee Ahmed Madoobe iyo gollaha uu hoggaamiyo Col, Barre Hiiraale ee mucaaradka ku ah maamulkaasi. Waxaana iminka socda wadahadal albaabada u xiran yihiin oo u dhexeeya madaxdaasi oo kaliya.

Wasiirada Goobweyn tagay ayaa waxaa ugu cad cad wasiirka Maaliyada Xuseen Xalane iyo wasiirka arrimaha gudaha Abdilaahi Goodax Barre, kuwaasi oo labadooda markii hore midna kasoo horjeeday dhismaha maamulka Jubba midna uu taageersanaa maamulka Jubba, balse iminka ka siman in xal loo helo khilaafka labada garab.

Maamulka Ahmed Madoobe oo awal dalbaday inay wafdiga soo raacaan ayaa waxaa loo sheegay inaysan iman karin Goobweyn sidaasi darteedna shirkan Goobweyn ka socda qeyb kama ahan. Waxaana aad loo adgeeyey ammaanka goobta uu ka socdo shirka. Waxaana la diidan yahay inay  halkaasi falal ammaan daro ka sameeyaan maleeshiyada Raaskambooni.

Sarkaal sare oo ka tirsan golaha nabada iyo midnimada Jubba oo ku sugan Goobweyn ayaa warbaahinta Kismaayo24.com u sheegay in shirkaasi looga hadlayo sidii loo dhameyn lahaa khilaafka labada garab ee isku haya maamulka Jubba iyo sidii qorshe cad loo sameyn lahaa ka hor shirka la rabo inuu ka dhaco Kismaayo.

Waxaana qodobada ugu muhiimsan ka mid ah ee laga hadlayo ka mid ah :

1. In shirka Kismaayo ka hor la wada yeesho hishiis guud oo meesha ka saaraya madmadowga.

2. In Maamulka Ahmed Madoobe dhisay uu yahay mid aan waxba ka jirin balse isaga un lagu aqoonsaday hishiiiskii Adis Ababa.

3. In Shirka Kismaayo ciidanka ammaankiisa sugaya laba loo kala qaado. AMISOM oo laakinta koowaad ah iyo ciidamo isku dhaf ah oo ka kala imaanaya dhanka Ahmed Madoobe iyo dhanka Col, Barre Hiiraale, maadaama aan kalsooni ammaan lagu qabin maleeshiyada Raaskambooni ee Ahmed Madoobe.

4. Shirka Kismaayo waa inuu noqdaa mid dhexeeya labada garab ee Goobweyn iyo Kismaayo oo khilaafka rasmiga ah dhexdooda uu yaal, Halka Dowlada iyo IGAD laga doonayo inay kor joogto ka noqdaan.

Dhammaan qodobadaasi ayey wataan dhanka maamulka Col, Barre Hiiraale waana midda ay in badan diidanaayeen Ahmed Madoobe iyo maamulkiisa iyo Ra’iisul wasaare Abdiweli Shiikh Ahmed oo si cad ula  safnaa dhankaasi.

Balse hadda dowlada iyo IGAD ayaa u arkay inay lama huraan tahay in hishiiska ay gaaraan labada dhinac ee dagaalamay oo aysan waxba so kordhineyn dad aan dagaalamin oo hishiis aan jirin la dhex dhigo.

Wixii warar ah ee kusoo kordha shirka iminka ka socda Goobweyn waxaad kala socon doonaan wararkeena danbe ee Kismaayo24.com oo ah warbaahinta ugu horeysa xogta iyo xaqiiqada arrimaha Soomaaliya.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10

Isha ku hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com