Sawirro:Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay kulan looga hadlay maamulidda deeqaha Japan ugu deeqdo dalka.

0

Mogadishu, August 20, 2014-Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mudane Abdullahi Dool Mohamed ayaa maanta kaga qeybgalay Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya kulan seddex geesood ah oo looga hadlayay maareynta deeqaha maaliyadeed ee dowladda Japan ugu deeqday Soomaaliya.

Kulankani oo ahaa mid ay ka  soo qeybgaleen hey’adaha Qaramada Midoobey iyo dowladda Japan , ayaa waxaa dowladda Federaalka Soomaaliya uga wakiil ahaa Xoghayayaasha joogtada Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Mudane Abdullahi Dool Mohamed, Qorsheynta Qaranka Mudane Abdi C. Dirshe iyo saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda , waxaana lagu falan-qeeyay qaabka loo maamulay deeqihii hore ee maaliyadeed ee dowladda Japan ay ugu deeqday Soomaaliya iyo qaabka cusub ee loo maareyn doono deeqaha kale .

Mudane Abdullahi Dool , ayaa kaga mahadceliyay dowladda Japan taageerada lixaadka leh ee ay la garab joogto dowladda Federaalka Soomaaliya , isagoo ka sheekeeyay xiriirka adag ee kala dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Japan.

Shirkani lagu qabtay Magaalada Nairobi ayaa waxa uu qeyb ka yahay xoojinta iyo u saldhiggidda xisaab hufan oo lagu qanci karo oo lagu maareeyo deeqaha.

Tripartite consulation(1) Tripartite consulation(2)

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda 
Section of Press and Public Relations

Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page
https://www.twitter.com/mofasomalia
https://www.facebook.com/mofa.somalia

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com