Sawirro:Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Oo Maanta Kulan Qado Ah La Qaatay Xildhibaanda Baarlamaanka Ee Ku Sugan Magaalda Nairobi.

0

Nairobi, AGGM: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa maanta la qaatay kulan qado ah oo ay ku kala warqaadanayeen xidhibaanada baarlamaanka ee ku sugan magaalada Nairobi.

Kulankan qadada ah ayaa Ra’iisul Wasaaruhu warbixin ka siiyo xildhibaanada xaalada dalka, iyo shirkii looga hadlayey qaxootiga Soomaaliya ee ka dhacay shalay magaadlada Addis Ababa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey xildhibaanada baarlamaanka sida ay u ajiibeen qado sharafta uu u sameeyey iyo wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxaysa xukuumadda iyo goloha shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay xildhibaanada in xukuumaddu ay qaaday talaabooyin lagu sugayo amniga, kuwaas oo laga gaaray natiijooyin wanaagsan, gacanta dowaladana uu soo galay hub faro badan oo si sharci daro ah lagu haystay.

“Xukuumadu waxay qaaday howl galo balaaran oo lagu sugayo amniga, waxaa la soo qabtay kooxo abaabulan oo ka tirsan nabad diidka, waxaa sidoo kale magaalada muqdisho laga fuliyay howlgalo balaaran oo lagu soo qabtay hub badan oo sharci daro ah, taasoo ah calaamad muujineysa sida xukuumadda ay uga go’antahay ka dhabaynta balan qaadkeedii amniga” Ayuu yiri RW Cabdiwali

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka warbixiyey shirkii shalay ku soo dhamaaday magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia oo looga hadlayey qaxootiga Soomaaliya, wuxuuna sheegay in sida looga soo qeyb galay ay muujinayso in xukuumadda ay ka go’antahay wax ka qabashada dhibaatooyinka soo noq noqday ee qaxootiga Soomaaliyeed oo ku nool wadamada dariska ah. Xukuumaduna ay dar-dar galinayso xasilinta dalka, si loo abuuro jawi nabdeeed oo qaxootiga u saamixi kara in ay soo noqdaan.

Xildhibaanada ka hadlay madasha ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyey howlgalada ay xukuumaddu ku sugayso amniga ee ka socda gudaha dalka, sidoo kale xildhibaada ayaa timlaamay in qofka hubka haysta uu yahay cadowga nabada, loona baahan yahay in hubka laga aruuriyo shacabka si loo helo nabad laysku halayn karo, barlamaankuna uu si buuxda u taageersanyahay howlgaladaasi bilowga ah.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday xildhibaanada in ay sii laba-laabaan sida wanaagsan ay ula shaqeeyaan xukuumadda,” Dowladnimada Soomalaiya waxaa saldhig u ah in hubka laga sifeeyo dalka, waxaan idinka codsanayaa in aad gacan nagu siisaan. Waxaan u mahadcelinayaa odayaal iyo xildhibaano aan kula kulamay magaalada Muqdihso, waxaana ka istaagnay mowqif isku mid ah howlgalada soconaya.

—DHAMAAD—

 wal wal1 wal3

wal4

wal2 wal7 wal6 wal5

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com