Soomaali Badan Oo Hoygooda Noqday Xabsiyada Luanda Ee Dalka Angoola.

0

Luanda , AGGM: Ciidamada Ammaanka dalka Angoola ayaa Magaalada Luanda ee Caasimada dalkaasi ku xiray inkabadan 20 qof oo Soomaali ah kuwaasi oo loo heysto Eed ah inay galeen dambiyo kala duwan .

Saraakiil ka tirsan Laamaha Ammniga ee wadanka Angoola ayaa sheegay in badi dadka lagu heysto inay sharci daro ku galeen dalkaasi halka kuwa kalana lagu heysto in magaalada Caasimada ah ay ka furteen ganacsi aysan Dowladda Angoola waxba ogeyn.

Wadanka Angoola ayaa kamid ah dalalka Qaarada Africa ee dadka Somaalida ay ganacsiga u aadaan waxaana xusid mudan in hadda Somaaliya aanay Safaarda ku laheyn dalkaasi haddii wax loo qaban lahaa dadkaasi dulmiga bareerka ah loo geesanayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com