Soomaalida ma waxaa haysata hogaan-xumi mise waxaa jira waxyaabo kale?‏

0

Tan iyo markii ay burburtay Dowladdii dhexe oo haatan laga joogo ku dhawaad 30 Sano,Waxaa maalinba maalinta ka danbeysa sii laba lixaadsanayo dagaalada sokeeye ee dalka ka jira Iyagoo marba gashanayo shaati cusub oo ka duwan kii hore, ilaa la isla soo gaaray heer la is yiraahdo, waxaad tahiin Murtadiin ay waajib tahay in la laayo iyo waxaad tihiin Khawaarij ay waajib tahay in loo kaashado cid walbo xatta Xabasho

Dhowr iyo Labaatan Sano ka dib,Wali ma muuqato in laga dagaalay dagaaladan macnadara ah ee baabi’iyey dadkii iyo dalkiiba,Waxa ayna arintu u eg tahay in uu halkiisa ka sii socon doono dhiiggan daadanayo iyo barakacan baahsan waayo lama hayo raggii oron lahaa war aan heshiino.

Ku dhawaad Sano ka dib,waxa ay wali Soomaalidu u muuqataa in aysan diyaar u ahayn in ay Iyadu wadahadasho, Si looga baxo dhibaatadan iyo ceebtan na haysata laakiin nasiib daro, Waxa ay wali doorbideysaa u kala dabqaadidda Shisheeyaha,Waxaana taasi daliil u ah dadaalada uu ka dhex wado Nicholas Key Dowladda Federaalka iyo Maamul Beeleedka Puntland. Ileen ceebi looma dhinto !!

Hadaba su’aasha meesha taalaa waxaa weeye, Soomaalidu ma waxaa haysta hogaan-xumi mise waxaa jira wax kale ? Jawaabta su’aashani waa mid wareerisay maskaxda Malaayiin Soomaali iyo Ajaaniibba isugu jirto waayo macquul ma’ahan in ay Soomaalidu xalin weyso dhibaatadeeda mudada intaasi la eg.

Maadaama ay Soomaalidu wadaagto diin,af,dhaqan,dhalasho iyo midab,Waxa ay ahayd in ay xaliso dhibaatadeeda mar hore sida ay sameeyeenba dalal badan oo uu ka dhacay dagaal sokeeye sida Lubnaan,Itoobiya,Liberia,Congo iyo dalal kale oo badanba.Intii ay Soomaaliya ku jirtay dagaalada sokeeye waxaa burburay dalal badan ka diba dib u soo istaagay halka ay wali Soomaalidu ku jiro ha dhiman hana noolaanin.

Hadaba waa in aan is weydiinaa halka uu dhibka naga haysto iyo sababata loo xalin la’yahay dhibaatadan aan qiilka lahayn ee baabi’say dadkii iyo dalkiiba?

Runtii markaan maskaxda ka sheqeysiiyey waliba Anigoo dhinacyo badan wax ka eegay,Waxaa ii soo baxday dhibaatada na haystaaba in ay tahay hogaan-xumi kaliya tusaale ahaan, Markii laga horyimid Madaxweynihii hore Maxamed Siyaad,Waxa ay ahayd in uu xukunka iska wareejiyo mar haddii la nacay si dalka loo badbaadiyo laakiin nasiib daro ma uusan yeelin.

Tusaalaha Labaad, Markii ay Caasimadda qabsadeen Jabhaddii USC-da,Waxa ay ahayd in ay isugu yeeraan dhamaan dhinacyadii kale ee dalka ka jiray oo ay walibana ku baaqaan cafis guud sida uu sameeyey nelson Mandela oo kale.Haddii ay sidaasi sameyn lahaayeen waxaan aaminsanahay in ay wax badan hagaagi lahaayeen laakiin wax walba qadartaa ayaa ka weyn.

Tusaalaha Sedexaad,Markii ay Maxaakiimtu qabsatay Bartamaha iyo Koonfurta dalka, Haddii ay aqbali lahaayeen maamul wadaag dhexmara Iyaga iyo TFG-dii waagaasi jirtay,Waxaa aaminsanahay in ay adkaan lahayd in ay Itoobiya dalka soo gasho.Dhinaca kale haddii ay ogolaan lahaayeen TFG-dii waagaasi jirtay in wax la wadaagto Maxaakiimtii,Waxaan aaminsanahay in ay adkaan lahayd in ay soo baxdo Al-shabab.

Tusaalaha Afraad haddii ay ogolaan lahaayeen in ay heshiiyaan madaxda hogaamisa Maamulada dalka ka jira sida Dowladda Federaalka,Al-shabab,Somaliland,Puntland,Waxaan aaminsanahay inaanan marna la dhisi lahayn Maamulada kala ah Jubaland,Koonfur Galbeed,Galmudug,Ximan iyo Xeeb iyo Khaatumo State.

Markaan hadalka soo uruuriyo Soomaalida waxaa haysta oo kaliya waa hogaan-xumo,Haddii la heli lahaa hogaan wanaagsan oo Umadda ku hogaamiya waxa ay rabto, Waxaan hubaa in laga hortagi karay wixii dhacay ama ugu yaraan mudda gaaban lagu soo afjari lahaa dhibaatadii dalka ka dhacy haatanna wali socota.

Marka aad barbardhigto Mujtamaca Soomaaliyeed Mujtamicaadka kale ee Dunida ku nool ,Waxaad dareemeysaa in aysan Soomaalidu ka liidan dadka kale hadaysanba ka fiicneyn laakiin ay haysato oo kaliya hogaan-xumi. Bal fiiriya kuwa Maanta Soomaali horboodayo Xasan Sheekh,Jawaari,Siilaanyo,Cabdi Wali Gaas,Axmed Godane,Cabdi Qeybdiid,Axmed Madoobe. Ma kula tahay Qowm ay kuwani hogaaminayaan in uu meel gaarayo ? I don’t think

Nimanka Maanta xalin la’ khilaafka yar ee ka dhex jira Umadda Soomaaliyeed dhexdeeda, Ma idinla tahay in ay xalin karaan khilaaf ku salaysan diin,af iyo dhaqan ? Nimanka Maanta heshiin la’ Iyagoo isku af,isku diin iyo isku dhaqan ah miyaa heshiin kara Iyagoo intaasi ku kala duwan.Nimanka Shaqo ka dhigtay been,balan la’aan, musuqmaasuq,eex,qabyaalad miyaa kheyr laga sugayaa ?

Waxyaabaha cajiibka ah ee aan aragnay waxaa ka mid ah ee waliba cadeynaya dhibaatada na haysata,Waxaad maqlaysaa Muqdisho iyo Gorowe ma wadahadli karaan illaa in Shisheeye loo yeerto mooyaane,Waxaa Iyadana la mid ah in lagu leeyahay Muqdisho iyo Hargeysa ma wadahadli karaan illaa in dal Shisheeye la aado mooyaane.Kama hadlayno wixii dhexmari jiray C/laahi Yuusuf iyo R/wasaarayaashiisa ama Shariif iyo R/wasaarayaashiisii. Ceeb to Ceeb

Gunaanudkii, Waxaan dhihi karaa wali dadka Soomaalidu ma aysan helin madax wanaagsan oo ku timid rabitaanka dadka (Right Man right Time) waana sababta keeneysa in mar walba lagu jiro dhib iyo qaxar.Haddii la heli lahaa hogaan wanaagsan oo ku shaqeeya rabitaanka iyo doonista dadka Soomaaliyeed,Waxaan aaminsanahay in ay badbaadi lahaayeen Culimaddii lagu laayey Xamar,Waxaan aaminsanahay in sidoo kale laga hortagi karay dagaaladii sokeeyey ee dalka ka dhacay.

Siduu marar badan Sheegay R/wasaarihii hore Farmaajo dadka Soomaalidu waa dad wanaagsan oo la hogaamin karo, Walibana ah dad karti badan Islamarkaana maskax furan laakiin aaway madaxdii ka faa’iidaysan lahayd fursadaahaasi ? Hadalka Farmaajo waxaa daliil u ah sida ay dadka Soomaaliyeed mar walba u garab-istaagaan Madaxda wanaagsan sida Farmaajo oo kale.

Ugu danbeyntii waxaan leeyahay dhibaatada haysata Umadda Soomaaliyeed ee kheyrkeeda ka reebay waa hogaan-xumo ee ma’ahan wax kale.Soomaalidu waa dad wanaagsan oo karti iyo qab leh, islamarkaana jecel Wadankooda laakiin waxaa ku habsatay Madax xun oo aan waliba karti lahayn. Alla maxaa la sheegi doona Maalinta la hor istaago Rabbu Samaawaat

Haddii la heli lahaa hogaan wanaagsan oo ku shaqeeya rabitaanka Umaddan, Sidoo kalena u istaagta xaqiijinta himilooyinkeeda Umadeed sida aragtida Somaliweyn oo kale,Islamarkaana kala dagaalama Jahliga,Qabyaaladda iyo Dulmiga Waxaan aaminsanahay in ay Umaddan noqon lahay Umadaha ugu fiican Dunida

Hadaba hogaan nooce ah ayey Soomaalidu u baahan tahay si ay uga baxdo dhibaatadan haysata ? Anigu waxaan qabaa in loo baahan yahay hogaan wanaagsan oo ku yimaada waddo sharci ah Islamarkana leh sifaadka soocda:-

1-Alla ka cabsi

2-Karti iyo Daacadnimo

3-Dulqaad iyo Deeqsinimo

4-Geesinimo iyo Go’aan-adayg

5-Dulmi iyo Qabyaalad-diid

6-Soomaaliduna u jilacsan Shisheeyahana u adag

W/Q: Abdullahi Ibrahim

Abdull2006@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com