Soomalida Ku Biireysa Kooxda Mayalka Adag Ee ISIS Oo Tiradooda Korortay.

0

Muqdisho, AGGM: Sirdoonka ingiriiska ayaa sheegay in dadka ugu badan ee Britan ka tagay kuwaas oo ku biiray Kooxda Daacish ee ka dagaalnta Ciraaq iyo Siiriya ay yihiin dad asal ahaan kasoo jeeda Somaaliya.

Saraakiisha Sirdoonka Uk ayaa xaqiijiyay in Turkiga uu marin uu noqday Britishka doonaya inay ku biiraan Dowladda Khilaafada islaamiga ah islamarkaana looga baahan yahay Dowladda Turkiga inay arintan taxadar u yeelato.

“Macluumaadka la hayo ayaa noo qeexaya in 400-500 qof oo heysta dhalshada Britain ayna ku jiraan Somaali badan ay ku biireen ISIS waana ka wal walsanahay “sidaa ayay leeyihiin ilo katirsan sirdoonka Ingiriiska.

Dhowr mar ayaa muuqaalo Youtubka lasoogaliyay waxaa kasoo muuqday dad british ah oo ku biiray Daacish qaarkoodna ay ku hanjabeen inay Britain weerarayaan ,iyadoo R.Wasaare David Cameroon dhawaan soo gaabiyay fasax uu dibadda ugu maqnaa kadib markii Al-Qaacidada Ciraaq iyo Shaam ay soo bandhigeen muuqaalka iyagoo gowracaya Waeriye Mareykan ah.

Waxaa sii kordhaya Muwadainiinta Somaali Britshka ah ee ku biiraya Al-Qaaciadada ka dagaalnta dalalka Siiriya iyo Ciraaq iyadoo Dowladda Ingiriiska ay ku dhawaaqday inay yareyneyso tirada dadka wadamadaasi u Safraya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com