Daawo: Tababar Ciidan Oo Muqdisho Loogu Soo Siray 250 Askari

0

Muqdisho(AGGM) Tababar 5 maalmood ayaa waxaa ka faaiidaystay250 askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Tababarka waxaa fududeeyay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, waxaana maalgelisay howl-galka midowga Yurub ee Soomaaliya.

Tababarkaas wuxuu ku saabsanaa habka dagaal ee magaalooyinka dhexdooda. Sida uu sheegay Cabdulqaadir Macallin Nuur  oo ah abaanduulaha hoggaanka taakulaynta xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidamadan ayaa loo diyaarinayaa in ay dagaalka magaalooyinka la galaan Alshabaab oo ah koox argagixiso oo halis weyn ku haysa umadda Soomaaliyeed.

Halkaan ka daawo videoga munaasabad loo qabtay tababarkaas

https://www.youtube.com/watch?v=PWuXbvBYKfg#t=32 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com