TARSAN oo soo bandhigay 5 qodob oo xasaasi ah oo SOOMAALIYA la hara

0

 

Mohamed Ahmed Nur ”Tarsan” Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, ayaa waxa uu Bartiisa Facebook kusoo daabacay Qoraal uu uga hadlaayay heerka uu gaarsiisan yahay burburka dalka iyo sababaha keenay burburkaasi.

Tarsan oo qoraal yar kusoo daabacay Bogga uu Facebook ku leeyahay ayaa waxa uu ku muujiyay kalsooni darida ka dhex taagan Dadka soomaaliyeed ee saameynta ku yeeshay bur-burka.

Nuqul kamid ah qoraalka uu Tarsan kusoo daabacay Facebook-giisa ayaa waxa uu u qornaa ‘’Soomaalidu wey ku adagtahay gaarida xal waara, waxaa dishay Arrimo badan oo salka ku haaya Qabiilka iyo is naceebka’’

Sidoo kale, Tarsan waxa uu Bur-burka iyo dayacida Dalka u sababeeyay 5-Qodob oo kala ah:-

1- “Siyaasi” maaldoon ah

2- Mas’uul Beenlow ah

3- “Aqoonyahan” Khaa’in ah’’

4- Odey Dalaal ah

5-Sargaal Jaahil ah

Waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in Dalka Somalia aysan ka dhalan doonin Cadaalad ama Hormar ilaa laga ciribtiro Qodobadaasi.

Dhanka kale, Qoraalka oo ahaa mid gaaban ayaa waxa uu kusoo gabagabeeyay Afeef

in qoraalkaasi uusan aheyn mid uu ku duraayo shaqsi gaar ah, balse uu yahay mid xaqiiqda ka turjumaayo.