Top News+ Cadeeymo: Dowladda IRAN Oo Todobaadka Soo Socda Labaatan Doonyood Oo Hub Ah Kasoo Dejinaysa Xeebaha10 Magaalo Oo Soomaaliya.

0

Waxay ahayd 2011 markii dalka Iran ay shaqaalaheedu galeen Somalia iyada oo wata magacaga bisha cas sida lawada ogyahay waxayna markiiba ka kiraysteen magaalada mugadisho  laba guri oo waawayn uuna leeyahay  Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid iyadoo ilaa hada ay daganyihiin ayna waardiyeeyaan staffka abdi xasan cawale qaybdiid iyada oo dawlada somaliya habayaraatee waxba kala socon arrimahan marka lagareebo ogaansho ay ogtahay in irani wadanka joogto.iyaga oo ka faaidaysanaya fursadaa maqanaasha haykalka dawladnimo iyo daciifnimada hayadaha dawlada  ayaa koox irani ah iyo kooxo Somali ah oo kaganacsada hubka xiriir sameeyeen waxayna ogaadeen in faaido badan kujirto keenida hubka lagusoofarsameeyo iran iyada oo iran ay leedahay warshado badan oo hubka sameeyaa sidaynu ognahayna cunqabatayn culusi sarantahay saamyan kuyeeshay dhaqaalaha guud ee wadankaas iyo nolosha dadka iranida

Waxay ahayd 2012 dhexdiisii markii kooxdii uhoraysay shaqada kabilabeen wadanka  waxaana hogaaminayay Mr taghizadeh  waxayna safarka kabilaabeen hargaisa ilaa mugadisho waxayna siimareen dhulka.iyagoo ukala gudbaya  pontland Somaliland galmudug intaba waa iskumareen iyagoo lakulamayay madaxda wasiirada iyo madaxwaynayasha goboladaas samaynaya balanqaadyo ah inay rugo caafiamad dhisayaan iskuulo dhisayaan mucawino gaynayaa iwm.iyado si aad ah loosoodhaweeyey . lakin ujeedadodu waakaduwanayd taas waxayna ahayd In suuq uga helaan hubka wadankooda sidii Somalia suuq ugunoqonlahaaaa.madama waxa ugubadan ee ay dhaqalaha galiyan kooxa iskuhaya Somalia ay tahay hubka

Kooxdan ilaa wkhtigaas ilaa hada waxay wadanka tageen dhawr jeer siay uhelaan counterpart lashaqeeya hawlahana ufuliya lakin marwalaba magac kale ayay latagan si aan dadku u ogaaniin wajiyo kalena way isticmaalaan iyaga oo ka faaidaysanaya daciifnimada haykalka dawladnimada Somalia.iyo iskuxirnaasho la aanta kajirta mamulada Somalia kajira

Waxay shaqada rasmiga ah bilaabeen sanadkii tagay iyagoo sheegaya inay kaluumaysatoyihiin keenaya doonyo kaluumaysi oo farabadan kadib raga kalaa shaqaynaya arrintan siinaya shidaal naafto ah 100foosto qimihisuna yahay 20000$ doontiiba.

Waxay hubka kudajiyaan markahore xeebaha  hobyo.xarardheere. lasqoray .kismaayo.marka. xiis.qandala iskushuban iyaga oo halkaa kuleh kooxo Somali ah oo lashaqeeya una iibiya hubka iyagoo uu gacanta ugalo kooxa kudagaalamaya Somalia sida shababka .dagal oogayasha magaalooyinka hubka sharcidarada kuhaysto

Kadib hubka markay dajiyaan waxay tagaan magaloyinka xeebaha pontland iyo somaliland iyagoo kaluumaysato iskadhigaya siay ulumiyaan raadadka waxayna dagan hotelada waawayn ee bosaso hargaisa mugadisho iyagoo leh maraakiib ayan wadana waxan rabnaa Somali nalashaqaysta oo ganacsato ah kaluunka faiidada kasoobaxdana kalaqaybsano iyada oo kadib ganacsadata somaliya tartan usoogalaan kadibna doonyahooda oo taagan dekada loosoobuuxiyo iyagoo kaluunfarabadan lataga iran oo qimihiisu malayin dolaryahay .ganacsatadi somalida ee qarashku kagalayna waxa loosheega in lakhasaaray oo kaluunkii xumaaday kadibna halkas faaiidada iskadaayee ay khasaaro kugalaan ganacsatadii yaryarayd ee somalida ahayd qaarkoodna kukacaanba

Muddo kadib waxa ladiraa koox cusub iyo doonyo cusub si aan loofahmin ama loogaran iyaga oo hadana tartarn usoogalaan ganacsatada Somalia una haysana inay markan ka faaiidayaan lakiin aan fahansanayn in shirqool yahay .lacagtoodii khayraadkii dalka oo kaluunka ah iyo faidada farabadan ee hubka intaba waxa ay gacanta ugashaa kooxa iranida oo 90% lacagta gacantooda kuharta iyaga oo intakalena ay kalaqaybsadaan kooxdan hoos kuqoran.kooxda somalida lashaqaysana waa ogyihiin filmka iyo shirqolka walalohod somalida lagusamaynayo lakin lacagta ayay kadoorbideen malayinta dolar ah hadaysan bilyan gaadhaynba

1 abdi xasan cawaale qaybdiid wuxuu leeyahay 4% wuxuuna suga amniga kooxaha imaanaya hobyo iyo mugadisho iyo galmudug

2 khaliif kadiye muuse  yaraw safiirka Somalia ufadhiya iran wuxuuleeyahay 2% wuxuu sameeya xiriirka doonyahaya  dhanka kismaayo iyagoo halkaas hubka lageeyo ay udheertahay dhuhul .dhuhusha lagasooqaataba ay hoos tagto isaga iyo adeerkii oo nabadoon ka ah kismaayo .dhuhushaa oo iranidu geeyaan bakistan dekeda Karachi una sheegaan ganacsatada somalida in lacag fiican kusoo iibinayan iyaga oo loosoorarao si lacag farabadan ukeenaan lakin iskada lacag ay keenaan lacagtii lagaliyey ay khasaaraan.wuxuu kaloo qqabilsanyahay inuu magaca iyo shaanbada uu haysto uu kooxdan uugu adeego markay ubaahdaan fiisayaal wadamo carab ah iyo xirrirokaleba oo badan oo ay kamidtahay inuu soobasaso shirarkasafiirada carabta ay yyeshan bishiiba mar oo waxa loogahadlo oo dhan ugudbiyo sirdoonka iran.waxa kaloo kamid ah hawlaha mihimka ah ee uqabtay sirdoonka iran shirkii barlamanka wadamada islaamka ee kadhacay iran Tehran sanadkan dhexdiisa taasoo wafdi uu hogaaminayay gudoomiyaha barlamanka jawari kasooqaybgaleen kadib shirku markuu dhamaadayna ay gudoomiyaha iyo gudoomiyayasha wadamada Bahrain.sudan emirates ay kulamo hoose yeesheen taas oo uu goobjoog ka aha mudane khaliif kadiye muuse uuna topicyada loogahadlay ugudbiyey sirdoonka iyagoo taas bedelkiisa gaadhi  lagusameeyo iran hadyad ahan usiiyey isaga.maadaba topicyo muhim ah uu usoogudbiyey oo ay sirdoonku ka wax badan ka ogaankaraan kuna base garaynayaan shirqooladooda ka dhanka ah Somalia iyo wadamada islaamka guud ahaan gaar ahan kuwa carbeed

3 saciid guul 2% ayuleeyahay waxa uu daganyahay dubai iyo yemen wuxuuna u qaabilsanayahay pontland waana masuulka dajinta hubka iyo iibinta iyo keenida kaluumaysta somalida ee ladhaco marwalba yemen ayuuna kusiihakiyaa hubka iyo kaluunkaba.hubkaas oo ugudba pontland.itoobiya .somaliland

4 ismaciil fanax waxa uuleeyahay 2% waxa uuna daganyahay hargaisa waxa uu uqaabilsanayahay xeebaha xiis iyo maydh ee Somaliland waxa uu haystaa basabor Britain .waxa kaloo uu dhoofiya bayada siaan loo ogaan dhaqdhaqaq lacagtiisa farabadan maadaaba uusan ganacsade layaqano ahayn lakin uu iskadhigaa nin shirkado wax u iibinaya waxa ayna xafiis kuleeyihiin London uu madaxkayahay nin ladhaho mahamooud lacagta waxa loosiiyaa waxiisa alaab aya lagusoosiiya kadib isagu markuu codsaday

5 siyaad mahamooud oo ah qunsulka safarada somalida ee kenya iyo mohamed ali americo oo ah safiirka  iyaguna waxay qaabilsanyihiin inay siiyaan dad irani ah basabor somali iyagoo midkiiba kaqaadaya 10000$ waxa kale oo ay soosameeyaan basaborada fiisayaasha iran lagusooqaadayo ee dadka lagutahriibinayo iyagoo fisiihiba lacag kudhaw kun doolar ka faaiida waxaan udhaxeeya dhaqane travel agency ninkaleh  mr abokor dhaqane .tell 0721451767isagaa lacagta xafiisyadooda ugugeeyaa  wuxuna adeegsdaa dhalinyaro kuxiran safiirka iyo qunsulkaba iyaga ukaladilaalana kuna xiray labada masuul ee safarda somalida kenya ugusareeyaa

Waxa iyaguna jira kooxo Somali ah oo uqabailsan xawilaada lacagta iyo ticketkada loojarayo kooxa somalida ah iyo iranida marka ay safrayaan waxaan koxdaas kamadax ah abokor dhaqane oo leh dhaqane travel agency dagana nairopi Kenya iyo walalihii cali dhaqane oo isna haysta xafiiska hargaisa .iyo walalkiis kale oo isaguna haysta xafiis dubai.iyo walalkiis kale oo isagana haysta xafiiska mugadisho dhamaan dhaqalaha lagufuray dhaqane travel agency waxa bixiyey kooxda iranida iyo somalida ah waxayna ufududeeyaan in diyaarada lasaaro waxyaaba mamnuuca ah iyo arrintaas usahla sida dadka iranida wuxuuna qaabilsanayahay macluumaadka dadka iranida ee usafraya Somalia in aan lasiinin shirkadaha diyaarada oo isagu damiinto si aan loohelin qofna macluumaadkiisa dadka safraya wayna aminaan shirkadaha diyaarada maadaaba xiriir kadhaxeeyo.waxa kale oo uu qabta dadka tahriibta ah ee iran lamarinayo loona tahriibinayo turkiga ayuu fiisaha ugasooqaada safarada iran ee Kenya waxana kalashaqeeya arrinta fiisaha safiirka iran ufadhiya Kenya mr givzad oo ay lacagta 6000$ ee qofkiiba kaqaadan ay 2000$ kasiiyaan waxa dadka ubadan ay kasooqaadijireen hargaisa iyo nairopi iyagoo xawalada amal lacagta dhigijiray mudo 2sana kadib markuu ganacsigaasijiray ayuu istaagay 4bil kahor .iyada oo ay halkaas dhaqaalo xumo kasoowajahday dhaqane travel agency oo 4bilood dhaqaalo badan aan helin iyada oo uu 4bilood kahor bishiiba dadgaadhaya 40qof kakaxaynjiray hargaisa boqolaalkuna kahelijiray ganacsigaas sharcidarada ah .niman iran joogta oo  iran uukuhagajinjiray kuwaas oo utahriibinjiray turkiga

Waxa xusid mudan in sanad kahor 5doonyood oo irani ah ay qabteen ciidmada pontland iyaga oo maxakamad lasaaray lana xukumay lakin nasiib darro waxa ladiray koox irani ah oo uu hogaaminayo ismaaciil fanax kana baxay hargaisa   ay direen kooxa arrintan ay khusayso waxayna lakulmeen madaxwaynaha pontland ee xiligaas abdirahman farole waxayna usameeyeen balanqaadyo waawayn oo dhaqaale iyo hub  wuuna siidaayay dhamantood isagoo aan waxba kahelin balanqaadkii ay siiyeen

Dawlada somaliya oo masuuliyad wayn kasaarantahay Somalia oo dhan waxa ay bilawday dhawaan talaabo muhiim ah nabada guud ee Somalia hub kadhigista shacabka hubaysan.lakin suaashu waxay tahay hubkan farabadan ee hadda soosocda yaa leh ?dawladuna makawarqabtaa hadayse kawarqabto qorshaheedu muxuuyahay?maxa safiirka dawlada somaliya galiyey hawshan miyaan ahayn masuulka matalaya siyaasada dawlada Somalia mise dawlada ayaa qorshahan wadata?hadayse dawlada Somalia qorshan wadato maxaa dan ah oo ugujira inay tahriibiso hub iyada oo awood uleh inay shirkado heshiisyo lagasho ukeena ?

Waxa xusid mudan in safiirka Somalia ujoogay iran 5tii sano ee udanbaysay uu wakhtigiisu dhamaaday .marka lafiiriyo international diplomacy law kaasi oo dhigaya safiirna 5sano kabadan inaan uu wadanjoogikarin iyada oo laga baqayo inuu wadankaas kuxidhmo safiirku kalana barto.amniga wadankiisana khatargaliyo

Loona soodhexmaro dawladiisa

Waxa kaloo xusid mudan in golaha wasiirada oo uu gudoominayo prime ministerku goaamiyeen in safaradaha layareeyo iskubedelna lagusameeyo.wuxuuna kujiraa mudane khaliif kadiye muuse safiirada loyeeray mugadisho inay iska xaadiriyaan lakin lama ogola inuu u hogaansamayo amarka wasiirka ee ahaa inuu bil gudaheed kusooxaroodo safiirku.maadaba uudhaqaalo farabadan kasameeyey iran oo uusan horay waligiis u arag .waxayna qorshaynayan isaga iyo kooxda sirdoonka iran katirsan sidii arrintaas looga hortagilahaaa.uuna usiijoogilahaa maadaba aysan haysan safiir kale oo hawlaha uu uqabta uqabankara .

Dhaqaalahas oo celcelis ahaan gaadhaya bishii 100000 ayna wadikarto shaqaale kabadan 10 .lakin maadaaba ay waxwalba kuxirantahay safiirka .diplomasiyinkalena lajoogin safarada oo xitaa marka uu safro safiirku aan lahelayn dad hawsha usiiqabta oo warqadaha iyo waxii loobaahdo qorta kuna khasbananayo qofka dani kagasho in uu mudo sugo.ilaa inta uu ka imaanayo safiirku taasoo aan meelna ugajirin diplomatic lawska

Hadaba safiirka oo ka faaiidaysanaya degonaanshola aanta amni iyo siyaasadeed ee gudaha dalka kajirta iyo mashquulka madaxda qaranku mashquulsanyihiin ayaa waxa uu iskudayaya inuu siijoogo iran si uu hawlaha ugarka ah usiiwado iyada oo uu magacyada iyo kobiyada diplomacsiyiinta loosoomagacabay ugudbninayo kooxa sirdoonka si fiisaha iran loogu habsaamiyo ama loodiidaba si ay uganiyadjaban meesha uuna usheegayo in meesha lagu bakhtiyey oo aysan waxba ool  siaysan cidna u imaanin diplomasiyiinta cusub kamid ah .

Dhismaha iyo guryaha safarada ayaa kamid ah  dhismayaash ugu waawayn ee somalidu caalamka kuleedhay lakin waxa ka faidaysa kooxo sirdonka iran kamid ah iyo safiirka iyada oo qiimaha uu kukiraysanyahay gurigiiba yahay sadexmoolood meel qiimaha ay xaqiiqtan joogan guryaha udhaw lakin waxa kale waxa ay ku dhacda gacan shisheye

Masuuliyiinta wasaarada arimaha dibada oo uguhoreeyo wasiirka arrimaha dibadu waa inuu habka shaqada safarada iskubedel kusameeyaaa.iyada oo hadii ay taasi dhiciwaydo khatar amni iyo mid siyaasadeedba ay kusoofooleedhay dalka iyo dadka somaliyeed taas oo hormuud ay kayihiin dadka lagu aaminay madaxna looga dhigay safarada somalida .iyadoo aysan jirin madaxii amniga ee dhaqdhaqaqa safiirka lasoconlahaa islamarkaana hadii wax danaha qaranka wax udhimaya uukujiro ugudbinlahaa hayada iyo madaxda ay khusayso ee gudaha Somalia.

hub1 hub

hub2

madaxii hore ee qaybta protocolka safarada iran ee kenya

Ali Osman sheikh(ali xayder)

Nairopi kenya

Tell:254714220014

Tell 254711121856

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com