TOP NEWS:- Cali Khaliif Galeyr oo gudaha u galay Itoobiya

0

Sida aynu ku heleeno warar dheeri ah oo ka’imaanaya Xadka ay wadagaan Somalia iyo Ethiopia qaasatan dhanka Gobolka Muduga,Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Ali Khaliif Galeydh ayaa lasheegay isagaa iyo masuuliyiin kale in ay gudaha ugaleen xuduudka dhulka Ethiopia.

Maamulka Somaliland ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen Mas’uuliyiin iyo dad shacab ah oo gaaraya 40 ruux ,kuwaa oo isku diyaarinaye in ay ka qeybgalaan caleemasaarka Madaxweynaha Khaatumo Mudane Galeydh oo manta lagu waday in deegaanka Saaxdheer lagu Caleemasaaro.

Mas’uuliyiin uu kamid yahay Ra’iisul wasarihii hore ee Somalia Ali maxamad Geedi ayaa la sheegay in xoogaga SomaliaLand ay gacanta ku dhigeen iyo qaar ka mid ah xubno ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo tira ahaan gaaraya 3 mudane.

Dhawaan Ciidamada Maamulka Somaliland ayaa Maamulka Khaatumo kala wareegay deegaanada ay ka mid yihiin Taleex,waxaana Saaxdheer haatan ay noqoneesa Goobtii ugu dambeesay oo ay Maamulka Khaatumo lagala wareego.