Top News: Ciidamada Dowladda Iyo Falaagada Al Shabaab Oo Ku Dagaalamay Gobolka Gedo.

0

Garbahaarey, AGGM: Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa shalay galab ku dagaalamay deegaanka lagu magacaabo May-kareebe oo 18 km dhinaca waqooyi uga beegan magaaladda Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Goob joogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda oo ka yimid degmada Luuq kuna sii jeeday magaaladda Garbahaarey in ay jidka u dagaaleen maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab xilli ay marayeen waddo ku taala degaanka May-kareebe.

Gudoomiyaha degmada Garbahaarey Imaan Cadow Kaarshe ayaa sidoo kale isaguna Warbaahinta u xaqiijiyay dagaalka ka dhacay degaanka May-kareebe wuxuu sheegay in ciidamada dowlada ay ka awood roonaadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab ee sameeyay jidgooyada.

Wuxuu sheegay laba askari in ay dhinacooda uga dhaawacmeen dagaalka isagoo intaas raaciyay in ay jiraan qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Ma jiraan warar madax banaan oo si rasmi ah u xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay dagaalka galabta ka dhacay deegaanka May-kareebe ee degmada Garbahaarey.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com