Top News: Ciidamada Kenya Oo Isaga Guuray Deegaano Ka Tirsan Gobolka Jubbada Hoose Iyo Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Cabsi Xoogan Soo Wajahday.

0

Kismaayo, AGGM: Wararka Saaka naga soo gaaraya laga Deegaano katirsan Gobollada Jubbooyinka ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay isaga baxeen Deegaano dhowr ah isla markaana Muddo ay ku sugnaayeen oo ay ku caawin jireen Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni.

Ciidamada Kenya ayaa la sheegay in caawa si rasmi ah ay ufaarujiyeen Deegaano ay kamid tahay tuulada Buurgaabo, Qaar kamid ah Shacabka ku sugan duleedka tuuladaasi ayaa sheegay in caawa maqribkii isgaarsiinta hawada laga saaray islamarkaana ciidanka Kenya ay galabta dudumiyeen difaacyadii ay ku lahaayeen agagaarka dekadda Macmalka ah ee Tuuladaasi.

Sidoo kale Dadka deegaanka ayaa waxay sheegeen in ay Ciidamadaan ka guuray Tuulada Buurgaabo aysan uguurin Deegaan kale balse ay u baqooleen Dalkooda.

“Ciidanka Kenya Deegaanka Raaskaambooni way ka baxeen Buurgaabo way xirxirteen qalabkooda oo waxaa lafilayaa in ayba xiligan baxayaan sababtoo ah isgaarsiintii ayay hawada ka saarayeen gelinkii danbe ee Maanta” Sidaasi waxaa yiri qof ku sugan deegaanada Joorraha loo yaqaan.

Dhanka kale Goob Joogayaal ku sugan Deegaano kale oo katirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa xaqiijiyay in boqolaal katirsan ciidanka Kenya ay baneeyeen dhul ballaaran oo ku teedsan xeebta Jubbada Hoose.

Waxaa lasoo warinayaa in Ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo iyagana haatan wadaan Diyaar garoow ay kaga baxayaan Magaaladaasi maadaama aysan ku qanacsaneen joogisteeda haatanna ay ku faraxsan yihiin Hadalka Madaxwaynahooda maanta kasoo baxay ee sheegaya in Ciidanka kenya oo idil laga soo saarayo meelaha ay kaga sugan yihiin Soomaaliya.

Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni waxaa haatan lasoo daristay Xaalad Cabsi ah maadaama ay waayeen Difaacii ka hor taagnaa Ciidanka Barre Hiiraale waxaana laga yaaba in Maalmaha soo socda Ciidanka Kenya ay ka baxaan Kismaayo isla markaana ay duulaan kusoo qaadaan Dagaalamayaasha taabacsan Siyaasi Barre aadan Shire Barre Hiiraale oo ku sugan Duleedka Magaalada.

Sadaasha la bixinayo ayaa ah hadii ciidanka Kenya si rasmi ah uga baxaan Kismaayo in barre uu awood uyeelan karo qabsashada Kismaayo maadaama ay baaxad wayn leedahay awooda uu isku halaynayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com