Top News: Col. Bare Hiiraale Iyo Ciidamadiisa Oo Beri Subax Galaya Magaalada Kismaayo.

0

Kismaayo, AGGM:Waxaa laga dareemayay teer iyo shalay Magaalada Kismaayo qaban qaabo lagu doonayo in lagu soo dhaweenayo Ciidamada Iyo Saraakiisha uu hogaamiyo Col. Barre Adan Shire (Hiiraale).

Wafdi ka socday Dowladda Soomaaliya iyo IGAD oo dhawaan kulan la qaatay Col. Barre Hiiraale ayay waxa ay wada gaareen heshiis uu uga qeyb galayo shirka dib u heshiisiinta beelaha Jubbooyinka iyo dhinacyada isku haya maamulka gobolada Jubbooyinka oo ka dhacaya magaalada Kismaayo bisha soo socota.

Afhayeenka Ciidanka Col Barre Hiiraale ninka lagu magacaabo Xasan Qaasim Warsame ayaa sheegay in ciidanka Col. Barre Hiiraale uu hogaamiyo in ay suura gal tahay in isla beri subax gudaha u galaan Magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale qeeybaha bulshada magaalada Kismaayo ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxa ay ka wadeen gudaha magaalada u diyaar garoowga soo dhaweynta Col. Bare Hiiraale iyo Ciiadamada uu hogaamiyo.

Isku soo wada duuboo Col. Barre Hiiraale oo isagu dagaal uu kula galay magaalada Kismaayo Ciidamada Kenya oo garab siinayay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa dhawaanahan waxa uu duulaan iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah maleeshiyada uu hogaamiyo Axmed Madoobe ka waday deegaanka Goobweyn ee Duleedka Kismaayo inkastoo hadda ay umuuqato mid arintaasi Dawlad Gobolleedka IGAD iyo Dawladda Soomaaliya xal wanaagsan ka gaareen kadib markii ay ogolaadeen in dhamaan ay fulinayaan qodobadi uu soo hordhigay Col. Bare Hiiraale.

Waxii Kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com