War Deg Deg Ah+Sawir: Col. Bare Hiiraale Oo Ka Dagay Magaalada Muqdisho Dhawaana Dib Ugu Soo Laabanaya Magaalada Kismaayo.

0

Muqdisho, AGGM:War hada na soo gaaray ayaa sheegaya in xubno wasiiro uu wehliyo Col.Barre Aadan Shire Barre Hiiraale ay soo gaareen magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya iyagoo ka soo kicitamay magaalada Kismaayo.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa mas’uuliyiintaan si aad ah loogu soo dhaweeyay,waxaana soo dhaweyntooda ka qeyb qaatay labada Gola ee Dowlada iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir.

Xubnaha Wasiirada ee safarka ku wehliya Barre Hiiraale ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay waxay ku sugnaayeen magaalada Kismaayo iyagoo qeyb ka ahaa wada hadalo dib Kismaayo loogu soo celinayay Bare Hiiraale iyo Ciidamadii uu hogaaminyay oo ku sugnaa deegaanka Goob-weyn ee duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Col. Bare Hiiraale ayaa waxaa lagu wadaa inuu dhawaan dib ugu laabto magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Lama oga sababta rasmiga ah ee Muqdisho u soo gaaray Col. Barre Hiiraale,laakiin arintaan ayaa qeyb ka ah dadaalada ay wado xukuumada Soomaaliya oo ku aadan in lagu heshiisiiyo Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe oo maamulka isku khilaafsan.

bare111

Waxii kasoo kordha safarka Col. Bare Hiiraale Kala Soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com