Top News: Dabley Weerar Ku Qaaday Hoyga Horjooge Cabdi Bare Ee Magaalada Kismaayo.

0

Kismaayo, AGGM:Dabley aan la garaneynin ayaa xalay weerar la beegsaday guri uu deganaa Horjooge Cabdi Barre, iyadoo weerarkaasi uu sababay dhaawac soo gaaray xaaska Horjoogahaas ka tirsan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Kooxahan ayaa la sheegay in ay rasaas hubiyeen guri uu deganaa Horjoogahan, wallow uu Horjoogaha ka badbaaday, haseyeeshee rasaastii ay ku fureen guriga ayaa haleeshay haweeney uu qabay horjoogahaas.

Kooxihii weerarka soo qaaday ayaa iska caabin kala kulmay ilaalada qaaska ah ee Horjoogaha, wallow ay u suurogashay in ay goobta isaga baxsadaan.

Isku soo wada duuboo weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo xaaladda ammaan ee magaalada Kismaayo ay mudooyinkii u danbeeyay ahayd mid aan lahayn amaan leysku haleen karo, maadaama horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyo ilaaladooda ay si xoriyad ah u dhex mari karin xaafadaha magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com