Top News: Lydia Wanyoto “Ciidamada AMISOM Waxay Ka Baxayaan Soomaaliya 2016”.

0

 Muqdisho, AGGM:Ku simaha wakiilka ururka Midawga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya haweeneydaan la yiraahdo Lydia Wanyoto ayaa ayadoo ku sugan magaalada Kampala ee xarunta wadanka Uganda waxay u sheegtay warbaahinta in qorshaha ururka Midawga Africa uu yahay in marka la gaaro sanadka 2016 in ciidamada AMISOM Soomaaliya laga saaro.

Lydia Wanyoto waxaa ay sheegtay in qorshaha hadda socda uu yahay in la dadajiyo dadaalka nabad raadinta Soomaaliya isla markaana inta aan la gaarin 2016 in Al-Shabab Soomaaliya oo dhan laga saaro taasoo dhabaha u xaaraysa in ciidamada AMISOM Soomaaliya iskaga baxaan.

Haweeneydaan u hadashay ururka Midawga Africa waxaa ay xustay in hadda la wado qorshe la doonayo in Soomaaliya lagu nabadeeyo kadibna marka la gaaro 2016 ay dawlada Soomaaliya isku filnaato.

“Qorshaha aanu wadno waxa weeye inaanu aragno Soomaaliya oo nabad ah iyo AMISOM oo Soomaaliya laga saaro 2016” ayay tiri sii hayaha wakiilka Midawga Africa ee Soomaaliya Lydia Wanyoto oo sidoo kalena sheegtay in AMISOM ay isku diyaarinayso in Soomaaliya laga saaro 2016.

Sidoo kale safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Sayid Axmed Daahir ayaa asna sheegay inay wadamada Soomaaliya usoo gurmaday ay uga mahad naqayaan dadaalka ay u galeen caawinta dawlada Soomaaliya waxaana uu intaa ku daray in Soomaaliya hadda ku socota wadada horumarka isku filnaan la gaari karo.

Hadalkaan labadaan mas’uul waxay ka sheegeen xiritaanka tababar magaalada Kampala loogu qabtay 30 sargaal oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya oo la barayay sharciyada caalamiga ah xaquuqda aadanaha.

Ciidamada AMISOM oo ka socda wadamada Uganda, Burundi,Kenya, Djibouti, Sierra Leone iyo Ethiopia ayaa waxay Soomaaluta ku joogaan sharci ay ka haystaan ururka midawga Africa iyo ogolaashaha dawlada Soomaaliya waxaana ay dawlada ku caawiyaan dagaalka ay Al-Shabaab kula jirto.

Golaha amaanka ee Q,M ayaa sanadkii hore ee 2013 waqti kordhin u sameeyay howlgalka AMISOM waqtigaasna waxaa uu ku egyahay 2016.

Sanadka 2016, waa xilliga loo madalsanyahay in Soomaliya ay dhacdo doorasho qof iyo cod ah.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com