Top News: R/wasaare Cabdiwali Sheekh Oo Booqanaya Xerada Qaxootiga IFO Ee Dhadhaab.

0

Nairobi, AGGM: Raysul wasaaraha dowladda federaalka ah ee Soomaaliy Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo aya agaaray xerada qaxootiga Dhadhaab ee waqooyi bari ee Kenya, halkaas oo ay ku nool yihiin qaxooti Soomaaliyeed oo tiradooda ay kor u dhaafysa 5 boqol oo kun oo qof.

Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa kulamo la qaatay saraakiil ka tirsan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, madax ka tirsan dowladda Kenya, wuxuuna iminka kulamo la leeyahay hoggaamiyaasha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Dhadhaab.

Raysul wasaaraha, ayaa sidoo kale la filayaa in uu kulamo la qaato guddi dhowaan gaaray magaalada Kismaayo si ay u soo qiimeeyaan goobo la dajin kari qaxootiga doonaya in ay si iskood ah dib ugu laabtaan Soomaaliya.

Cabdi Weli Sheekh Axmed, ayaa noqonaya mas’uulkii ugu sareeyey ee Soomaaliyeed oo booqday xerada qaxootiga Dhadhaab oo lagu tilmaamo in ay tahay xerada labaad ee ugu weyn dunida oo ay ku nool yihiin dad qaxooti ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com