Top News: R/Wasaarihi Hore Ee DFS Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo Hambalyeeyay Hishiiska Goobweyn iyo Farriin uu si gaar ah ugu diray Axmed Madoobe iyo Col. Barre Hiiraale.

0

Abu Dhabi, AGGM: R/Wasarihi  hore ee Soomaaliya Abdi Farax Shirdoon “Saacid “ oo ka mid ahaa madaxdii dadaalka badan ku bixisay in xal nabadeed laga gaaro khilaafka gobollada Jubba ka taagan ayaa waxaa uu maanta ka hadlay hishiiska Goobweyn shalay ka dhacay, kaasi oo uu sheegay inuu ahaa midkii uu muddo isaga ku baaqayey.

“Hishiiska Goobweyn waxaa uu aniga iiga dhigan yahay Hiigsigii nabadeed ee aan muddo ku taamayey inay gobolladaasi ka hirgalaan oo iminka rumoobay. Waxaana dhammaan intii ka shaqeysay iyo madaxdii go’aankaasi qaadatay aan leeyahay Hambalyo,maxaa yeelay waqtiga lagu jiro waa mid xusi doona cidkasta oo dib u hishiisiinta u hiilisa, oo qaadata wixii nabad lagu gaarayo” Ayuu yiri R/W hore ee Soomaaliya Abdi Faarax Shirdoon “Saacid”.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in dowlada Soomaaliya iyo IGAD ay ku ammaanan yihiin sida mas’uuliyada leh oo ay waqtiga u geliyeen isku keenida iyo nabad kuwada-hadalsiinta walaalaha dhiiladu ay dhexdoodu taalay, maantase nabad kuwada jooga Kismaayo. Waa sida uu hadalka u dhigay Saacid Faarax’e.

Sidoo kale hoggaamiyaasha Ahmed Madoobe iyo Col, Barre Hiiraale oo labada dhinac madax ka kala ah ayuu usoo jeediyey inay hadda jaanis siiyaan nabada oo ay ka fogaadaan waxkasta oo dhaawici kara nabadaasi shalay lagu gaaray Goobweyn.

“ Madaxda labada Dhinac waxaan si cad uga codsanayaa inay nabada jfursad siiyaan, maxaa yeelay nabada oo waqti la siiyo waxaa ay keentaa in dadku hishiiyo, dadka oo hishiiyana waxay dhalisaa in nabada taabagasho, kadibna waxaa deegaanka iyo dadka ka muuqda horumar iyo dib usoo celintii wixii horey uga lumay ee Soomaalinimada iyo Dowladnimada ugu horeyso” ayuu yiri R/W hore ee Soomaaliya Mr, Saacid.

Saacid Faarax ayaa waxaa lagu xasuusta xilligii uu xafiiska Ra’iisul wasaaraha joogay inuu waqti badan ku bixiyey in wadahadal iyo dib u hishisiin loo maro xal u helida dagaaladii Kismaayo ka dhacay iyo maamul deegaankaasi ka dhisma, iyaddoona sida ka muuqata hishiiska Goobweyn shalay lagu gaaray uu yahay mid qeyb ka ah “Himilooyinkii uu lahaa Saacid oo hadda la garowsaday”.

Hadalka R’iisul wasaare Saacid Faarax ee hambalayada u ah hishiiska Goobweyn ayaa waxaa uu qeyb ka yahay hambalyada dhammaan madaxda Soomaalida iyo urur goboleedka IGAD ay usoo wada-dirayaan hishiiskaasi.

Magaalada Kismaayo waxaa iminka ku sugan Col, Abdi Cigaal oo ahaa taliyihii ciidanka isbaheysiga Barre Hiiraale kaasi oo shalay halkaasi u yimid sidii uu u sii diyaarin lahaa goobta ay magaalada Kismaayo ka degi lahaayeen Barre Hiiraale iyo ciidankiisa, kuwaasi oo lagu wado inay maalinta barri ah inay magaalada soo gaaraan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com