Top News: Saraakiil Ka Socda Safaarada Ingriiska Ee Soomaaliya Oo Xabsiga Ku Booqday Mulkiilaha Idaacada Shabeelle.

0

Muqdisho, AGGM: Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in saraakiil ka socday Safaarada Ingiriiska ee Soomaaliya in ay booqdeen Milkiilaha Idaacada Shabeelle oo Kujira Xabsi Dowladda ay Ku Leedahay Muqdisho.

Diplomaasiyiinta ayaa lasheegay in Cabdimaalik oo ah Milkiilaha Shabeelle ay su’aalo Dhowr ah weydiiyeen oo Xaaladiisa Quseeysa inkastoo loo Diiday Su’aalo Badan in ay weydiiyaan.

Cabdimaalik Yuusuf Milkiilaha Shabeele ayaa heysata Dhalashada Dowlada Ingiriska Waxaana Suura Gal Dowlada in Lagu Cadaadiyo Sii Deysmadiisa.

Ugu danbeyntii Laamaha amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa mar waliba Milkiilaha iyo waliba wariyeyaal kula xiran xabsiga Ugeysta tacadi ka baxsan Bini aadamnimada kasoo la sheegay in waxyeelo xoogan kasoo gaartay.

 
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com