TOP NEWS:- Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo la shiray beelaha dega Jubbooyinka iyo Gedo

0

Kismaayo, AGGM: Wasiiradii ay dowladda Federaalka Soomaaliya u dirtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa kulamo la qaatay xubno matalaya beelaha wada daga gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Gudoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta beelaha wada dega goblada Jubbooyinka iyo Gedo Cabdi Baalle Cumar oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in wasiiradii soo gaaray magaalada Kismaayo ay kulamo la qaateen dhinacyada matalaya qabaa’ilka wada dega gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in guddigu uu wado dadaalo lagu mideynayo rabitaanka beelaha wada dega goboladaasi, kuwaasi oo doonaya in ay ku heshiiyaan xubnaha ay ku leeyihiin.

Kismaayo Waxaa ku sugan wasiirka maaliyada,wasriirka arimaha gudaha & Federaalka iyo wasiirka garsoorka & dastuurka xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Magaalada Kismaayo ayaa lagu wadaa ku qabto shir wayne dib u heshiisiineed, kaas oo lagu dhameynayo colaadaha goboladaas.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com