Top News: Xaaladda Deegaanka May-kareebe Ee Gobolka Gedo Oo Maanta Dagan.

0

Garbahaarey, AGGM: Wararka aan ka helayno gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka ay deggan tahay xaaladda deegaanka May-kaareebe oo 18 KM dhanka Waqooyi uga began magaalada Garbahaarrey ee xarunta gobolka Gedo, halkaas oo shalay gelinkii dambe uu dagaal ku dhex maray ciidanka dowladda Soomaaliya iyo malleeshiyo ka tirsan Al-shabaab.

Taliyaha saldhigga booliska magaalada garboharrey Cabdixakiin Caano-Cost, oo la hadlay Warbaahinta gudaha dalka ayaa sheegay in Ciidamada dowladda ka tirsan oo ku sii jeeday magaalada Garbahaarey ay jidka u galeen koox ka tirsan maleeshiyaadka Shabaab, taas oo keentay in dagaal xoogan uu halkaas ka dhaco, wuxuuna sheegay in ciidamadii dowladda ay si nabad ah ku gaareen magaalada Garbahaareey.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in uusan jirin wax khasaare nafeed ah oo gaaray ciidanka dowladda, marka laga reebo 2 askari oo uu sheegay in uu soo gaaray dhaawac fudud.

Caano Cost, ayaa sheegay in ciidanak dowladda ay ka ambabaxeen magaalada Luuq ayna doonayeen ay qayb ka qaataan qorshe la doonayey in Shabaab looga saaro tuulooyin iyo deegaano ak mid ah gobolka.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay maleeshiyada Shabaab ay wadado u galaan ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

 
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com