Top News: Xarunta Cusub Ee Degmada Cabduwaaq Oo Xariga Laga Jaray.

0

Caabudwaaq, AGGM:Xarunta degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa maanta si rasmi ah xariga looga jaray kadib markii dayactir lagu sameeyay.

Xarunta ayaa waxaa markii ugu horeysay muddo 23 sano kadib dayactir ku sameysay hay’adda USAID ee dalka Maraykanka taasoo mashaariic dhinaca horumarinta ka wada qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Gudoomiyaha degmada Caabudwaaq Cabdirisaaq Xasan Cowl ayaa Warbaahinta u sheegay in baahi ay u qabeen xarunta dayactirka lagu sameeysy isagoo sheegay in maamulku ku shaqeyn jiray guryo kiro ah.

Cowl ayaa mahadcelin u jeediyay hay’adda USAID ee dayactirka ku sameysay xarunta maamulka degmada Cabudwaaq wuxuuna ka ocdsaday inay si wado dhismaha xarumaha muhiimka u ah adeegyada bulshada ee degmada.

Dhismaha xarunta degmada Cabduwaaq ayaa waxay qayb ka tahay mashaariicda ka socda dalka ee barnaamijka Danguud ee TIS ee Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan Mareykanka (USAID).

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com