Top News:Ciidamada AMISOM Gaar Ahaan Kuwa Uganda Oo Ka Cabanaya Mushaar La’aan.

0

Muqdisho, AGGM:Ciidamada dowlada Wadanka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaanan qaadan wax mushaaraad ah muddo lix bilood ah, sida uu sheegay xildhibaan ka tirsan gudiga difaaca baarlamaanka Uganda.

Askarta ayaa la sheegay in baarlamaanka ay ka dalbadeen inay arintaasi ka jawaabaan, waxaana askari kastaa u qoray mushaar ahaan 1,028 doolar, sidaasi waxaa sheegay xildhibaan laga soo doorto koofurta Kigulu oo lagu magacaabo Milton Muwuma.

Xildhibaanka ayaa sheegay in askar badan uu taleefoonka kula hadlay ayna u sheegeen inaysan wax mushaaraad ah qaadan muddo lix bilood, isagoo u sheegay sidaasi wargeysyada kasoo baxa dalkaasi.

“Markii aan diiwaan geliyay arimo badan oo iiga imaanayay askarteena ku sugan soomaaliya, waa arin wasaarada difaaca looga baahan yahay inay shaaciso xiliga ay na hor imaanayaan inta gudiga dicaafa iyo arimaha caalamka uusan kulmin”sidaasi ayuu yiri xildhibaan Muwuma.

Masuuliyiin ka tirsan wasaarada difaacaa ayaa sheegay inay jadwaleeyeen xiliga ay la kulmayaan gudiga difaaca iyaga oo kala hadlay qorshaha miisaaniyada 2014/15. taliyaha ciidamada difaaca Uganda Gen Katumba Wamala ayaa Talaadadii sheegay in dib u dhaca dhaqaalaha uusan aheyn qiyaano lagu sameynayo ciidamada Uganda.

Laakiin wuxuu sheegay inay jiraan lacago aan askarta loo siinin sida mushaaradka oo kale laakiin loo siiyo

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com