Top News:Ciidamada Dowladda Soomaaliya Oo Kaashanaya Kuwa AMISOM Oo La Wareegay Degmada Tiyeeglow.

0

Xudur, AGGM:Maamulka dowladda Soomaaliya ee gobolka Bakool ayaa sheegay in maanta ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Tiyeeglow iyo deegaannada kale oo horey ay u maamuli jireen kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Xudur ee maamulka Dowladda Soomaaliya Maxamed Macallin Axmed ayaa Bar-kulan u xaqiijiyey la wareegitaanka degmada Tiyeeglow, isagoo sheegay in howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu sii socon doono inta laga xorreynayo deegannada kooxda kaga sugan tahay gobolka Bakool.

Maxamed ayaa xusay in wax dagaal ah aanu ka dhicin degmada, islamarkaana kooxda Al-Shabaab ay saaka isaga baxday kaddib markii ay ogaadeen inay ku soo wajahan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya.

Dhinaca kale, odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo shacabka degmada Tiyeeglow ayaa si wada-jir ah ugu soo dhoweeyey degmada ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ee gaaray halkaas.

Degmada Tiyeeglow waxay ka mid aheyd degmooyinka ay kooxda Al-Shabaab ku cunaqabateyn jirtay raashinka iyo adeegyada aasaasiga ah ee soo gala degmooyinka Xudur iyo Waajid oo ay ka arrimiso dowladda Soomaaliya.

 
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com