Top News:Dowladda Kenya oo Sheegtay in aan qasab lagu celin doonin qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalkaas.

0

Nairobi, AGGM: Dowladda dalka Kenya ayaa xaqiijisay in aan khasab dalkooda loogu celin doonin qaxiitiga Soomaalida ah ee ku nool dalkeeda.

Guddoomiyaha arrimaha qaxootiga ee dalka Kenya, Mr. Haron Kamen, ayaa sheegay in Kenya ay tix galinayso heshiis ay horay ula gaartay Soomaaliya iyo hay’adda qarammada midoobay u qaabbilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR kaas oo dhigaya in aan qasab lagu celin qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Kenya.

Mr. Kamen ayaa xusay in dowladaha iyo shucuubta Soomaaliya iyo Kenya uu ka dhexeeyo heshiis ay isaga kaashanayaan arrimaha siyaasadda, amaanka, ganacsiga, horumarka iyo kuwo kale, loona baahan yahay in la wada xaqiijiyo.

Mas’uulka ayaa intaas ku daray in sidoo kale, Kenya ay tixgalinayso sida qaxootigu doonayo in uu ugu laabto dalkiisa.

Gudoomiyaha laanta Kenya u qaabbilsan arrimaha qaxootiga, Mr. Horun Karen, ayaa dhinaca kale xusay in dhawaan ay Soomaaliya booqan doonaan guddi ka tirsan saxiixayaashii hashiiska sadex geesoodka ahaa, si ay u sameeyaan qiimayn.

Magaalada Addis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa laba maalmood ka hor lagu soo gaba-gabeeyey kulan looga arrinsaday arrimaha qaxootiga ku nool dalalka Afrikada Bari, kaas oo ay ka qayb galeen madax ka kala socotey Soomaaliya, Kenya,Itoobiya, Uganda, Jabuuti, Yemen, Qarammada midoobay iyo hay’ado samafal oo caalami ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com